4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 3 , 2016
Ergada Shirka Jowhar oo loo Qaybiyay Dastuurka uu yeelanayo Maamulka Hiiraan iyo Sh. Dhexe
/images/gallery/2016/apr/2016412635960655124353852Furtaanka_Shirka_Jowhar%20(3).jpgIsniin, Oktoobar 03, 2016 (HOL) — Ergooyinka ka qayb-galaya shirka maamulka gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe loo dhisayo ee Magaalada Jowhar ka socda, ayaa loo qaybiyay Dastuurka uu yeelanayo Maamulkaas.

Dastuurkan oo ah qabyo ayaa wuxuu ka kooban yahay toddoba cutub, kaas oo la doonayo in ergooyinka shirka ka qaybgalaya ay kazoo talo-bixyaan, si loogu daro waxyaabaha ka maqan. Waxaana Dastuurkan ku jira astaanta uu yeelanayo maamulka, xudduudihiisa iyo nidaamka uu ku shaqeynayo.

Sidoo kale, Ergada ayaa lagu wadaa inay isku raacaan magaca uu yeelanayo maamulka Gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe, Waxaana Wasaaradda arrimaha gudaha ay dhawaan ugu baaqday shacabka inay aragtidooda kasoo dhiibtaan magaca iyo astaanta calanka uu yeelanayo maamulka cusub ee loo dhisayo gobolladan.

Xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya Yaxye Cali Ibraahim, ayaa sheegay in toddobaadkan ay ku Ansixin doonaan Qabyo-qoraalka Dastuurka, si loo gudo-galo dhameystirka Maamulka Labada Gobol oo qorshihiisu yahay bartamaha bishan lagu jiro in la doorto Madaxweynaha uu yeelanayo maamulkan.

Dhanka kale, Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somalia ayaa ku guuleysatay inay qanciyo ergada ka qeyb galaya shirka jowhar, kaddib markii maalin ka hor-isaga baxeen, markii lagu wargeliyay in aanay wax dhaqaale ah qaadan doonin.

Odayaasha-dhaqanka ee kasoo jeeda gobollada maamulkan loo sameynayo, ayaa ku hawlan soo xulista xildhibaannada uu yeelanayo maamulka labada gobol oo weli uu muran ka taagan yahay dhismihiisa.

Ugu dambeyn, tallaabadan ayaa waxay kusoo beegmaysaa kaddib kulan ku dhexmaray shalay Magaalada Baladweyne Odayaasha-dhaqanka ee Gobolka Hiiraan iyo Wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya kaasoo looga hadlay shirka ka socda Jowhar ee lagu dhisayo maamulka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya