4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 3 , 2016
Abaaro ku dhuftay degmada Gaarisa, Waqooyi-bari Kenya

Isniin, Oktober 03, 2016 (HOL)-Gobernatooraha degmada Gaarisa ee gobolka Waqooyi-bari Kenya, Nadiif Jaamac ayaa shaaca ka qaaday in abaar ka sii dareysa oo ka jirta degmadaasi Gaarisa inay tahay musiibo.

Wuxuu Mr. Nadiif Jaamac codsaday in gargaar dagdag ah lala soo gaaro dadka abaaruhu saameeyeen. Wuxuu dawlada qaran ee Kenya ka codsaday xaalada inay wax ka qabato si nafta dadka iyo duunyada loo badbaadiyo.

Gobernatooraha ayaa ka hadlaayay meel fagaare ah Sebtidii mar uu sidaa shaaciyay deegaanka Masaalaani, Ijaara ee degmadaasi Gaarisa.

Wuxuu intaa ku daray in dawlad deegaankiisu aysan awoodin inay wax badan u qabato dadka tabaaleysan maadaama kharajku ku yar yahay.

Abaaraha haatan saameeyay degmadaa oo aad u ba'an ayaa waxaa ugu dambeysay muddo dheer ka hor.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]