4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 3 , 2016
Guddoomiyaha Xisiga UCID Inj. Faysal oo sheegay in Somaliland aan laga Xukumin Dalka Itoobiya

/images/gallery/2014817635438451042383094Faysal-Cali-Waraabe.jpg
Isniin, Oktoobar 03, 2016 (HOL) — Guddoomiyaha Xisbiga UCID, Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in siyaasiyiin qaar ay aaminsan yihiin in Somaliland laga xukumo Itoobiya, isagoo xusay in fikirkaas uu yahay mid qalad ah oo aan jirin, isla markaana aan Somaliland laga xukumin Itoobiya.

Inj. Faysal Waraabe oo ka hadlayay munaasabad lagu furayay xarun cusub oo ay jaamacad ku taalla Itoobiya ay ku yeelanayso Hargeysa, ayaa xusay in waxbarashada dalka Itoobiya uga timaada ay tahay mid wanaagsan, laakiin taasi macnaheedu ay ahayn in laga maamulo dalkaas.

“Siyaasiyiin badan oo Itoobiya diiddan ayaa mar walba waxay sheegaan in Somaliland laga xumo Itoobiya. Taasi been aan sal iyo raad lahayn, innaga nalagama maamulo Itoobiya ee waxaan nahay Qaran madax-banaan,” ayuu yiri Waraabe, oo hadalkiisa ku daray in Itoobiya ay yihiin dal jaar ah oo isla markaana wadaaga xuduud aad u dheer.

Dhanka kale, Guddooomiyaha UCID ayaa ayaa sheegay in nacaybka ay u u qabaan dalka Itoobiya shacabka Soomaaliyeed ay ka bilaabatay deegaannadii Ingiriisku gumaysan jiray, gaar ahana Hargeysa kaddib markii Itoobiya loo gacan-geliyay dhul Soomaaliyeed.

“Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Somali-galbeed, iyaga ayaa maanta si xor ah uga taliya dhulkooda, inkastoo ay xukuumad ahaan ay hoos-tagaan weli Dowladda Itoobiya,” ayuu mar kale yiri Warbaabe.

Ugu dambeyn, Inj. Faysal Cali Waraabe oo ka hadlaay jaamacadaha kusoo kordhaya Somaliland ayaa sheegay inay aad u wanaagsan yihiin waxbarasho ahaan, balse ay jirto caqabad ah qabyaaladda oo uu ku usay inay bar-bar socoto waxbarashada Somaliland.

Si kastaba ha ahaatee, Maamulka Somaliland ayaa waxaa ka jira Jaamacado intooda badan ay xarumahooda waa-weyn ee dalka Itoobiya, kuwaasoo ay wax ka bartaan dhallinyaro badan oo Soomaaliyeed.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya