4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 3 , 2016
Nairobi Kenya-40 Oromo ah oo boolisku xiray kadib markii shir ay qabteen

Isniin, Oktober 03, 2016 (HOL)-Booliska Kenya ayaa xiray 40 qof oo Oromo ah kadib markii shir ay qabteen boolisku sheegay inuu ahaa sharci darro shalay Axadii.

Shirkaa ayaa waxay ku qabteen meel beer ah oo lagu magacaabo City Park  gudaha caasimada Nairobi.

Sargaal sare oo booliska saldhigga Gigiri ee Nairobi ka tirsan, Vitalis Otieno ayaa sheegay in dadka halkaa shirka ku qabtay aysan shirkaa kusoo war galin booliska inay doonayeen inay qabtaan.

Wuxuu sheegay in dadweynehu booliska arinkaa ku soo wargaliyeen kadib markii dadkii shirka ku jiray ay weyraxeen.

'Qaar ayaa dalka ku jooga si sharci darro ah'. Ayuu yiri Mr. Vitalis Otieno. 'Su'aalo ayaanu weydiineynaa oo dukumiintiyadooda ayaanu baareynaa'.

Si kastaba ha ahaatee, hoggaamiyeyaasha dadka shirkaa ka soo qeyb galay ayaa sheegay in ay shirkaa in ay qabanayeen ku wargaliyeen dawlada hoose ee Nairobi 29kii bishii Sitembar ayna bixiyeen qarash sharci ah oo shirka loogu tala galay oo dhan Ksh3,000.

Oromo ayaa ah qawmiyada ugu badan Itoobiya dhawaana mudaaharaadyo ay ku lug leedahay ayaa soo laba kacleeyay gudaha Itoobiya ayadoo shalay isbuurasho ay ku dhinteen tobanaan qof duleedka Addis Ababa kadib dibad bax halkaa ka dhacay oo rabshad watay.

Dawlada Itoobiya ayaa xaqiijisay in ilaa dhowr iyo konton qof ay dhinteen kadib markii dad dibad baxayay ay isbuurteen kadib markii ay ciidamada ammaanka ka cabsadeen.

Gobolka Oromiya ayaa arintaasi ka dhacday kadib mudaaharaadyo ka dhacay kuwaasoo rabshado watay. Meel aan ka fogeyn caasimada Addis Ababa ayaa dhibtaasi ka dhacday.

Raisul Wasaaraha Itoobiya Haile Mariam Deslgn ayaa taleefishinka qaranka ka sheegay in dhibka ay horseedeen dadkaasi oo isbuurtay rabshadana waday isana soo dhoobay meel bannaan ah oo odayaal Oromo ah ay shir ku qabteen deedna dadkii ay ku daateen meelo jeexjeexan oo togag ah.

Wuxuu ku ammaanay ciidamada ammaanka sidii arinkaa ay u maareeyeen ayadoo uu sheegay in wax rasaas ah aanan la maqal.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa mucaaradku sheegay in boqol qof ka badan ay dhinteen oo dadku ay isbuurteen markii ciidamada ammaanku ay rasaas kor u rideen.

Bannaanbaxyada sanadihii dhawaa ka dhacayay gobolka Oromada ee Orimiya waxay markoodii ugu horreeyay ka bilowdeen mashruuc horumarin ah oo ay dowladu ku dooneysay in ay caasimada ku balaariso sanadkii 2014 ayagoo sheegay in ay diidan yihiin dibadbaxeyaashu in caasimada Addis lagu soo fidiyo gobolkooda gaar ahaan dhul beereed halkaa ku yaal.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
Caasimada Kenya ee Nairobi
[email protected]