4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 3 , 2016
Tobanaan qof oo ku dhintay Isbuurasho dalka Itoobiya

Isniin, Oktober 03, 2016 (HOL)-Dawlada Itoobiya ayaa xaqiijisay in ilaa dhowr iyo konton qof ay dhinteen kadib markii dad dibad baxayay ay isbuurteen kadib markii ay ciidamada ammaanka ka cabsadeen.

Gobolka Oromiya ayaa arintaasi ka dhacday kadib mudaaharaadyo ka dhacay kuwaasoo rabshado watay. Meel aan ka fogeyn caasimada Addis Ababa ayaa dhibtaasi ka dhacday.

Raisul Wasaaraha Itoobiya Haile Mariam Deslgn ayaa taleefishinka qaranka ka sheegay in dhibka ay horseedeen dadkaasi oo isbuurtay rabshadana waday isana soo dhoobay meel bannaan ah oo odayaal Oromo ah ay shir ku qabteen deedna dadkii ay ku daateen meelo jeexjeexan oo togag ah.

Wuxuu ku ammaanay ciidamada ammaanka sidii arinkaa ay u maareeyeen ayadoo uu sheegay in wax rasaas ah aanan la maqal.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa mucaaradku sheegay in boqol qof ka badan ay dhinteen oo dadku ay isbuurteen markii ciidamada ammaanku ay rasaas kor u rideen.

Bannaanbaxyada sanadihii dhawaa ka dhacayey gobolka Oromada ee Orimiya waxay markoodii ugu horreeyey ka bilowdeen mashruuc horumarin ah oo ay dowlada ku dooneysay in ay caasimada ku balaariso sanadkii 2014 ayagoo sheegay in ay diidan yihiin dibadbaxeyaashu in caasimada Addis lagu soo fidiyo gobolkooda gaar ahaan dhul beereed halkaa ku yaal.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]