Jimco, Oktober, 29, 2016 (HOL) -- Dadka ku dhaqan deegaanka Ceel Baraf ee gobolka Sh/dhexe, ayaa dalbanaya in lala gaaro biyo nadiif ah, kaddib markii ceelashii ay ka cabi jireen dadka iyo duunyada qarxiyeen xarrakada Al-shabaab.
Guddoomiyaha deegaanka Ceel Baraf Muuse Sharwey Gaaboow ayaa sheegay in deegaanka ay ka jirto sidda uu hadalka u dhigay dhibaato weyn oo dhinaca biyaha ah, kaddib markii la qarxiyay ceelashii ay biyaha ka helli jireen.
''Dhibaato weyn ayaa soo food saartay dadka iyo duuniyada deegaanka ku dhaqan, inta badan dadkii halkan ku noolaa waa ay isaga carareen, kaddib biyo la'aan soo food saartay, waxaan codsaneynaa in arintaa sidda ugu dhaqsiyaha badan wax looga qabto oo biyo lala soo gaaro dadka deegaanka'' ayuu yiri guddoomiyaha.
Saraakiisha ciidamada AMISOM ee deegaanka ka howlgala ayaa halkaa u kaxeeyay koox wariyayaal ah si ay u soo arkaan dhibaatada ka jirta deegaanka , waxaana ay saraakiisha AMISOM dalbadeen in dadka deegaanka Ceel Baraf laga caawiyo dhinaca biyaha.
Tuullada Ceel Baraf oo ka tirsan gobolka Sh/dhexe, ayaa ku caanbaxday ka ganacsiga xoollaha.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya
Shacabka ku dhaqan Deegaanka Ceel Baraf ee Gobolka Sh. Dhexe oo ka cabanaya biyo la'aan
More News
- Ciidamada Dowladda Federaalka oo ka Fuliyay Hawl-gallo Gobollada Gedo iyo Jubbada Hoose
- Xeer-ilaaliye ku xigeenkii Maxkamadda Ciidanka oo u Dhintay Dhaawac loogu geystay Muqdisho
- ICRC oo raashin gaarsiisay 60 kun oo barakaceyaal ah
- CPJ: Dawlada Soomaaliya lagama yaabo inay ciqaab mariso dadka laaya wariyeyaasha
- Xukuumadda Sucuudiga oo sheegtay in Xuuthiyiinta dalka Yemen ay kusoo rideen Gantaal Maka
- VLADIMIR PUTIN: Ruushku kalama xigsan doono Musharraxiinta xilka Mareykanka u Tatamaya
- Safaarada Mareykanka ee Nairobi oo xiran kadib markii nin lagu dilay horteeda
- Dawlada Kenya oo bandaw kusoo rogtay Mandheera