Safaarada Mareykanka ee Nairobi oo xiran kadib markii nin lagu dilay horteeda

Jimco, Oktober 28, 2016 (HOL)-Safaarada Mareykanka ee Nairobi ayaa maanta xiran kadib markii nin lagu dilay horteeda.

Waxaa xiran dhammaan qeybaha kala duwan ee safaarada oo ay kujidho qeybta qunsuliyada. Ninka ayaa halkaa lagu dilay shalay kadib markii uu askari booliis ah ku muday tooreey asagoo sida la sheegay isku dayayay inuu safaarada qasab ku galo.

Xalay ayaa lagu qoray barta internetka ee safaaradaa in shaqada safaarada hakad la galin doono ilaa 31ka bishaan waxaan ka ahayn adeegyada dagdaga ah.

Si kastaba ha ahaatee waxay safaaradu xaqiijisay toogashada ninkaa lagu dilay balse waxay sheegtay in shaqaalaheedu dhammaan ay bad qabaan.

Ninka ayaa sida la sheegay mindi askariga uga dhuftay madaxa iyo gacan kahor intii uusan isla askarigaasi toogasho ku dilin.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
Nairobi, Kenya
[email protected]