Badhasaabka Togdheer: Tallaabo ayaan ka Qaadi doonaa Dhallinyarada Dadka Baarta Habeenkii
Axad,
Oktoobar 02, 2016 (HOL) — Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer, ayaa la sheegay
inay baryahan dambe kusoo badanayaan dhallinyaro habeenkii jidadka dadka ku
baadha isla markaanka shacabku ka cawdaan.
Barasaabka
Togdheer Maxamed Ibraahim Qabo, ayaa sheegay in talaabo adag laga qaadi
doonno kooxo dhalinyaro hubaysan oo khal-khal ku riday amaanka magaaladda
Burco, kuwaas oo dhibaatooyin ku haya shacabka reer Burco ee jidadka maraya.
Badhasaabka, ayaa sheegay in haddii ay waalidku wax ka qaban waayaan
dhalinyartaas in loo gudbin doonno guddida nabadgalyadda iyo hay’adaha amaanka
oo uu xusay inay talaabo adag ka qaadan doonaan.
Kooxahan
dhalinyarada shuftadda ah oo mudooyinkan
danbe ku soo kordhay magaaladda Burco ayaa la sheegay inay xaafadaha Magaaladaas ka gaystaan falal budhcadnimo ah, iyadoo baadhasho iyo
dhibaatooyin kaleba u gaystaan dadweynaha.
Maxamed
Ibraahim Qabo, ayaa kulan la yeeshay hay’adaha ammaanka, isla markaana sheegay
in gudidda nabadgalyaddu xukumi doonto dhalinyaradda rabshaddo ka gaysta
magaaladda.
Waxaana
kulankaasi ka soo qayb galay badhasaabka gobolka, taliyaha qaybta booliska ee
gobolka Togdher, guddoomiyaha maxkamadda racfaanka ee gobolka Togdheer, taliyeyaasha saldhigyadda booliska ee
magaaladda Burco.
“Waxaa
laga rabaa waalidiinta in ay ogaadaan meesha ay ka soo toosaan ubadkoodu, waxaananu uga digaynaa waalidka iyo
caruurtoodaasi, tallaabo ayay dawladu ka qaadi doontaa, gobol ahaan, ka gudi nabad-geliyo ahaan, iyo
ka maamul ahaan”ayuu yidhi gudoomiye Qabo.
Maxamed
Ibraahim Qabo, waxa uu sheegay inay qaadayaan tallaabooyin lagu xakamaynayo
dhalinyaraddan shuftadda ah. “Waxaanu qaadi doonaa tallaabo,
tallaabadaasina ka farxin mayso in badan
oo waalidiin ah. Waxaanu halkan u marinaynaa waalidka ilmahiisa hayn
waaya, waa loo haynayaa, oo dawladda
ayaa u haynaysa. Haddii aad waalidoow
haysan waydeen ilmihiinii, annaga ayaa idiin haynayna. Waxaanu idiinku
haynaynaa in aanu tarbiyadiisii hore dib ugu soo celino, in aanu
naas-nuujintiisii dib ugu soo celino. Waxaanu u haynaynaa in aanu dhibin dadka
dariiqyadda maraya, oo aanu noqon qaadicul-dariiq”
Sidoo
kale, Guddoomiyaha Gobolka Togdheer, mar uu faahfaahino dheeraad ah ka
bixinayay kooxahan dhalinyaradda ah iyo falalka ay gaystaan, wuxuu yii. “Waxaa
beryahan magaalada Burco ka dhaca, oo aan hore uga dhici jirin, in dhalinyaro aad u yar yar oo 20 jirro ah, oo waxbarta oo arday ah, inta ay Goyaal dhigtaan dariiqyada magaaladda,
in qof kastoo soo mara dariiqaasi ay ku yidhaahdaan 2000 Shilling ku rid, oo ay dadka baad ka
ururiyaan.Mid wadaad ah, mid waayeel ah,
hooyooyinka iyo hablaheenii, inay yiraahdaan 2000 shilling ku rid hadddii kale
halkaas dhaafi maysid, iyadoo ay dhacdo in qof saacadda uu xiran yahay laga
furto ama wixii la doonno lagu sameeyo”.
Dhallinyaradan
habeenkii dadka baadhaysa oo sidoo kale ku soo badanaya caasimadda Hargeysa
ayaa haddii wax laga qaban doono halis amni daro ku abuuri karta, waxaanay
keenta in dadweynuhu habeenkiii ka baqdaan dhalinyaradaasi.
Barkhad-ladiif
M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland