Galleryj
Talaado, Oktober 18, 2016 (HOL)-Musharixiinta u tartameeysa kamid noqoshada Aqalka sare ee baarlamanka dalka ayaa maanta khudbado ka horjeediyay mudaneyaasha baarlamanka Jubaland, ayagoo soo bandhigay waxyaalaha ay qaban doonaan hadii ay ku guuleystaan xilkaasi.
Musharixiinta u tartameeysa kamid noqoshada golaha aqalka sare ayaa waxaa kamid ahaa Madaxweeyne kuxigeenkii hore ee Jubaland Mudane C/laahi Sheekh Ismaaciil Fartaag iyo Siyaasi Maxamed Cabdi Gaandi oo kamid ah mudanayaasha baarlamanka dalka ee uu waqtigoodii dhamaaday.
Musharixiinta Aqalka sare ee soo xaadiray oo tiradoodu gaareeyso ilaa 16 musharax oo laba kamid ah ay ahaayeen dumar ayaa waxa ay mudanayaasha ka horjeediyeen khudbadahooda ku aadan waxbqabadkooda.
Shalay ayay mudanayaasha baarlamanka Jubaland iska dhex doorteen ilaa 11 xubnood oo loo xilsaaray arimaha doorashada aqalka sare.
Maalinta berito ah ayaa la filayaa in si rasmi ah ay magaalada Kismaayo uga bilaabato doorashada xubnaha aqalka sare ee baarlamanka federaalka Soomaaliya.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.
Musharixiinta Aqalka sare oo khudbada ka horjeediyay Baarlamanka Jubaland
More News
- FAAHFAAHIN: Khasaarihii ka dhashay dagaalkii Afgooye ka dhacay iyo Al-shabaab oo isaga baxday
- Dagaal culus oo ka socda degmada Afgooye kadib markay Al-shabaab weerartay saldhigyo ciidanka
- Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan oo Taageeray Dhismaha Maamulka Hir-shabeelle
- Baarlamaanka Koonfur-galbeed oo billaabay dhageysiga Khudbadaha Musharaxiinta Aqalka Sare
- Qoysas aad u fara badan oo billaabay inay ka barakacaan Colaadaha Gobolka Shabeellada Hoose
- Wargeyska Xog-ogaal oo wali xiran
- Reer Libiya oo tebey wanaagii Qadaafi
- Hoggaamiyaha Mucaaradka South Sudan oo sheegay in uu Dib ugu laabanayo Magaalada Juba
- Maamul-goboleedka Hir-Shabeelle oo loogu baaqay inay dadajiyaan Xulista Xubnaha Aqalka Sare
- SAWIRRO: Isbitaalka Jaamacadda Banaadir oo bilaabay in bulshada uu u fidiyo adeegyo Caafimaad
- Israsaaseyn hal qof ku dhintay oo Mandheera ku dhex martay booliska iyo Al-Shabaab