4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 10, 2016
Ciidanka amniga Somaliland oo xabsiga u taxaabay laba Wariye oo ka Hawlgalla Gobolka Sanaag


Isniin, Oktoobar 10, 2016 (HOL) — Ciidamada Amaanka Somaliland ee gobolka Sanaag, ayaa maanta xabsiga u taxaabay laba wariye oo ka hawlgalla gobolka Sanaag, kuwaas oo warar ka soo diyaariyey deegaankii dhowaan dagaalka labadda beelood ku dhex maray ee Dogoble ee gobolka Sanaag.

Labadan wariye ayaa magacyadoodu kala yihiin; Maxamuud Cabdi Barre oo ka Hawlgalla Telefishanka Star iyo Sidiiq Maxamed Yuusuf oo isna ka hawlgalla Shabakadda Togdheer ayaa lagu xidhay degmadda Ceel Afweyn ee gobolka Sanaag.

Sidoo kale, Labadaan Suxufi ayaa la sheegay inuu Amarka Xirigooda uu bixiyey wasiir-u-dawlaha arrimaha gudaha Maxamed Muuse Diiriye, waxayna wararku sheegayaan in la Amray in deegaankaasi aan wax warbixina laga diyaarin maadaama oo ka jirto dagaal laba beelood oo walaalo ah oo deegaanka wada dega dirir ku dhex martay.

Ugu dambeyn, Guddoomiye ku xigeenka ururka SOLJA Kayse Digaale ayaa xariga maanta loo geystay labadan wariye cambaareeyay, isla markaana sheegay in aan khalad tahay in la iska idho wariyeyaal ka hawlgala gobolka Sanaag, waxaanu ka dalbaday xukuumadda in si dhakhsiyaha loo siidaayo wariyeyaashaasi.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland