4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 10, 2016
Ciidamada Galmudug iyo Puntland oo uu Galabta Iska-horimaad kooban ku dhexmaray Gaalkacyo


Isniin, Oktoobar 10, 2016 (HOL) — Dagaal kooban oo aan illaa hadda la oegyn kahsaaraha ka dhashay, ayaa galabta Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ku dhexmaray ciidammo kala taabacsan Galmudug iyo Puntland, kuwaasoo maalmahan isku hor-fadhiyay deegaanno galbeedka magaaladaas ku yaalla.

Wararka laga helayo Magaalada Gaalkacyo ayaa waxay sheegayaan in dagaalkii galabta ka dhacay Gaalkacyo uu ka xooganaa kii maalmo ka hor ka dhacay iyadoo xaalad cabsi ah ay dareemayaan shacabka ku nool magaaladaas.

Sidoo kale, Wararka ayaa sheegaya in Wax-garadkii shalay heshiiska hordhaca ah ee lagu joojinayo dagaalkaas ku gaaray magaaladaas ay billaabeen inay mar kale isku dayaan inay hakiyaan dagaalka soo cusboonaaday.

Maamullada Galmudug iyo Puntland ayaan weli ka hadin Dagaalkaan maanta mar kale ka qarxay Gaalkacyo, iyadoo Ciidamadi labada maamul ay isku horfadhiyaan goobihii ay ku dagaalameen, inkastoo ay maanta odayaashu qorsheynayeen inay kala qaadaan.

Ugu dambeyntii, Dagaalkan oo salka ku haya dhul ay ku muransan yihiin labada maamul, ayaan  haddana la ogeyn sida lagu joojin karo, maadaama uu dib u qarxay maanta, kaddib heshiis hordhac ah oo xabbada lagu joojinayay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya