4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 10, 2016
Dowladda Mareykanka oo kasoo Hor-jeesatay Shirka ka socda Magaalada Jawhar


Isniin, Oktoobar 10, 2016 (HOL) - War lagu kalsoonyahay oo ay heshay HOL ayaa sheegaya in dawlada Mareykanku aysan ku qanacsanayn maalmulka loo dhisayo gobolada  Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Wararka ayaa intaa ku daraya in dawladu Mareykanka ay ku talisay in maamul u samaynta Hiiraan iyo Sh. Dhexe dib loo dhigo ilaa doorashada federaalka ay dhammaato, lana tixgaliyo rabitaanka labada shacbi ee ku nool labada gobol ee Hiiraan iyo Sh. Dhexe.

Dowladda Mareykanka ayaa sidoo kale arrintaan ku wargalisya dowladda Xasan Sheikh Maxamuud.

Safiirka dowladda Mareynka u fadhiya dalka Soomaaliya Danjire Stephen Schwartz ee uu deegaankiisu yahay magaalada Nairobi ayaa dhawaan ka soo laabtay safar uu tagay dalka Soomaaliya. Safiirka ayaa wuxuu kulamo la qaatay dhawr musharax oo u taagan jagada madaxweyninimada Soomaaliya oo la filayo in la qabto 30ka bish November ee sannadkan.

Maamul u sameynta  goboleedka Hiiraan iyo Sh. Dhexe ayaa ka socda magaalada Jowhar, ayada oo la dhaariyey xildhibaanadii soo dooran lahaa madaxweynaha maamulkaas uu yeelandoon.

Wararka ka immaanaya magaalada Beled Weyne ayaa sheegay in la dhameystiray dastuurkii uu dhaqmi lahaa maamul goboleed loo soo dhisayo gobolka Hiiraan.