4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 10, 2016
Xukuumadda Kenya oo looga digay in Qoxootiga Dhadhaab ay si Khasab ah ugu Celiso Somalia


Isniin, Oktoobar 10, 2016 (HOL) — Hay'ad daryeelka qoxootiga ee laga leeyahay Norway ee Norwegian Refugee Council (NRC), ayaa sheegtay in khasabka ay Xukuumadda Kenya ugu celinayo Somalia dadka degen xerada qoxootiga ee ugu wayn Caalamka ay tahay arrin xad-gudub ku ah shuruucda caalamiga ah ee Qoxootiga.

Dowladda Kenya ayaa bartamihii Sannadkaan 2016-ka Amar ku bixiyay in la xiro xeryaha Qoxootiga Dhadhaab ee Dalkeeda ku yaalla kuwaas oo ay ku nool yihiin oo Tiro ka badan 280,000 oo Qoxooti Soomaaliyeed ah ay ku nool yihiin.

Xoghayaha Guud ee hay'ada NRC, Jan Egaland ayaa ku baaqay in muddada kama dabeysta ah ee dadkan loo qabtay laga noqdo maadaama ay keenayso dib u noqosho Hab-qan Fawdo ah.

"Sida ka muuqata xaaladda aanu kusoo aragnay meeshaan, arrintu ma ahan mid Ikhtiyaarka Qoxootiga ku xiran oo ay ku niyadsan yihiin, isla markaana ay ku badbaadayaan," ayuu ku yiri hadalkiisa Jan Egaland.

Hay’adda NRC ayaa sheegtay in qoxootiga ku noqonaya Soomaaliya aanay helin ilaalo ku Filan. Bishii August ee Sannadkaan ayaa 74% Soomaalida Qoxootiga ah ee Dhadhaab ku nool waxay sheegeen inaysan doonayn inay Somalia dib ugu laabtaan, iyadoo sababta ugu weyn ku sheegay nabad-gelyo darrada ka jirta Soomaaliya.

Dhanka kale, Madaxa Xafiiska NRC ee Kenya, Neil Turner, ayaa isna xusay in loo baahan yahay in hanaanka dib u celinta Qoxootiga ee Dhadhaab aysan noqon mid aan loogu rarayn xeryaha barakacayaasha ee ku yaalla gudaha Somalia iyo in Qoxooti aan la diiwaan-gelini kusoo noqdaan Kenya.

"Tirada Qoxootiga Soomaaliyeed ee loo Qorsheeyay inay dib u laabtaan aad ayay uga fara badan yihiin adeegga loogu diyaariyay gudaha Somalia," ayuu Turner ku yiri Hadalkiisa.

Ugu dambeyn, Xeryaha Dhadhaab waxaa la furay sanadkii 1991-kii si ay hoy ugu noqdaan Qoysaskii kasoo Cararayay Colaadihii Soomaaliya, Waxaana weli ku nool Qaar ka mid ah Qoxootigaas.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya