Isniin, Oktoobar 10, 2016 (HOL) —Kulan ay maanta isugu yimaadeen mudaneyaasha baarlamanka Jubaland ayay uga doodeen xaalufinta dhirta, ayagoo si adag uga hadlay arintaasi, sheegayna in tallaabo cad laga qaadi doono dadka xaalufka ku haya dhirta.
Kulankan oo uu shir gudoominayay gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee baarlamanka Jubaland Mudane Cabdi Baaleey Xuseen ayay mudaneyaashu uga hadleen ahmiyadda ay dhirta leedahay iyo weliba dhibaatada ka dhalan karta dhirta oo la xaalufiyo.
Mudaneyaasha ayaa sheegay in deegaanada Jubaland uu ka jiro xaaluf lagu hayo dhirta, waxayna sheegeen in arintaasi ay saameyn ku yeelaneeyso deegaanka, dadka iyo duunyada intuba.
Cali C/waaxid (Cali Xoog) oo ah gudoomiyaha gudiga baarlamanka Jubaland ee qaabilsan xoolaha, deegaanka iyo dalxiiska ayaa sheegay in arrintan loo baahanyahay in si dhab ah loo wajaho, loona tallaabo qaado sidii looga hortagi lahaa xaalufka lagu hayo dhirta.
Gabagabadii kulanka waxaa soo xiray gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee baarlamanka Jubaland Mudane Cabdi Baaleey Xuseen, isagoo sheegay in kulanka maanta ahmiyadiisu ahayd, sidee wax looga qaban karaa xaalufka loona badbaadin karaa dhirta, isagoo sheegay in Jubaland uu ka jiro xaaluf lagu hayo dhirta.
"Waxa maanta na heeysta gacanteennaa kula nimid, waxaa loo
baahanyahay in aan dadkeenna u caqli celinno una sheegno in geedka ay gooynayaan uu
dhibaato u keenayo deegaankii iyo xoolihii ay dhaqanayeen intaba," ayuu gudoomiyuhu hadalkiisii raaciyay.
Deegaanada Jubooyinka waxa ay kamid yihiin gobollada dalka Soomaaliyeed ee laga dareemayo xaalufka ba'an ee loo geystay dhirta, waxaana xusid mudan in bulshada ku dhaqan deegaanadani ay intooda badan yihiin xoolo dhaqato.
Xasan Nuur, Hiiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.
Baarlamanka Jubaland oo ka digay xaalufinta dhirta
More News
- AKHRISO: Bulshada Rayidka ah oo ku baaqday in la simo Saami qaybisga kuuraasta Aqalka Sare
- Ciidanka amniga Somaliland oo xabsiga u taxaabay laba Wariye oo ka Hawlgalla Gobolka Sanaag
- Isbahaysiga xisbiyada siyaasada oo soo saaray liiska xubnaha Kor-joogtada uga noqonaya doorashada
- Itoobiya oo Wadamo ay Daris yihiin ku eedeysay Abaabulka Mudaaharaadyada ka Socda Dalkeeda
- Ciidamada Galmudug iyo Puntland oo uu Galabta Iska-horimaad kooban ku dhexmaray Gaalkacyo
- Dowladda Mareykanka oo kasoo Hor-jeesatay Shirka ka socda Magaalada Jawhar
- Xukuumadda Kenya oo looga digay in Qoxootiga Dhadhaab ay si Khasab ah ugu Celiso Somalia
- DAAWO: Beledweyne oo Goor-dhaw lagu Ansixiyay Dastuur uu yeelanayo Maamulka Hiiraan State
- Ammaanka Magaalada Garoowe ee Xarunta Maamulka Puntland oo si aad ah loo Adkeeyay
- Xildhibaannada Baarlamaanka Hir-shabeelle oo u doortay shir-guddoon Mudanaha ugu da’da weyn
- AKHRISO: Magacyada Qaar ka mid ah Xildhibaannada Baarlamaanka Hir-shabeelle ee la dhaariyay
- Dawlada Itoobiya oo xoojinaysa ammaanka gobolada dalkaa
- Xaalada Gaalkacyo oo saaka daggan kadib labo maalmood oo dagaalo ah
- Bannaanbaxyo looga soo horjeedo duqeynta xulufada Sacuudiga oo ka dhacay Yemen