4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 10, 2016
DAAWO: Beledweyne oo Goor-dhaw lagu Ansixiyay Dastuur uu yeelanayo Maamulka Hiiraan State


Isniin, Oktoobar 10, 2016 (HOL) — Waxaa goor-dhaw Magaalada Beledweyne, lagu soo Gaba-gabeeyay kulan lagu soo bandhigay dastuurka uu yeelanayo Maamulka Hiiraan State oo dhawaan ay Duubabka-dhaqanka dhismihiisa uga dhawaaqeen magaalada Beledweyne.

Akharinta Dastuurka, kaddib ayaa ergada goobta ku sugnayd waxaa la weydiistay inay cod gacan-taag ah ku ansixiyaan , Waxaana Aqbashay 419 ka mid ah 423 ergo ah Goobtaas ku sugnayd saddex qof ayaa diiday halka qof kalena uu ka aamusay.

Dhanka kale, Waxaa goobta looga dhawaaqay inay Buula-burte tahay xarunta maamulkan uu ku shaqeyn doono, Waxaana tilmaam guud laga bixiyay nooca Calanka maamulkan uu yeelanayo oo la sheegay inuu ka koobnaanaya; Midabka Buluugga oo leh Xidigta Shanta Gees iyo Midabka Cadanka ah Soomaaliya.

Guddiga Qaban-qaabada dhismaha maamulka ayaa halkaa uga dhawaaqay in wixii hadda ka danbeeyay ansax yahay Dastuurka, wixii xilligaan ka dambeeyana la guda-galli doono dhismaha laamaha kale ee maamulka.

Ugu dmabeyn, Tallaabadan, ayaa kusoo beegmaysa xilli maalintii shalay degmada Jowhar lagu dhaariyay Xildhibaannada Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle oo labada gobol ee Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe loo dhisayo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya