4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 10, 2016
Ammaanka Magaalada Garoowe ee Xarunta Maamulka Puntland oo si aad ah loo Adkeeyay


Isniin, Oktoobar 10, 2016 (HOL) — Ciidamada Ammaanka Puntland, ayaa aad u adkeeyay Ammaanka Magaalada Garoowe ee Xarunta Maamulka Puntland oo dhawaan ay ka dhici doonaan Doorashooyinka Dadban ee Xubanaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Waddooyinka Magaalada Garoowe ayaa waxaa la dhigay baro kantarol oo lagu xaqiijinayo Amniga, kuwaasoo lagu baarayo Gaadiidka iyo Shacabka isticmaalaya Waddooyinkaas.

Taliyaha booliiska Puntland, Jen. C/qaadir Shire Faarax (Ereg) ayaa sheegay hawl-galladan in amniga lagu sugayo ay socon-doonan illaa la hubinayo Ammaanka guud ee Puntland.

Sidoo kale, Magaalooyin kale ee Puntland ayaa wararku sheegayaan in sidan oo kale laga billaabay Baaritaannada Gadiidkda iyo Dadweynaha, taasoo qayb ka ah Sugidda Amniga doorashooyinka Dadban ee Somalia.

Ugu dambeyntii, Baaritaannadan lagu xaqiijinayo Ammaanka Deegaannada Puntland ayaa kusoo beegmaya, iyadoo la filayo inay doorashooyinka Dad-ban ay maalmahaan soo socda ay ka billowdaan Magaalada Garoowe oo ah xarunta maamulka Puntland.

Abaadir C/qaadir Cilmi, Hiiraan Online
E-mail:
[email protected]  
Garoowe, Puntland - Soomaaliya