4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 10, 2016
Xildhibaannada Baarlamaanka Hir-shabeelle oo u doortay shir-guddoon Mudanaha ugu da’da weyn


Isniin, Oktoobar 10, 2016 (HOL) — Xildhbaannada Maamul-goboleedka Hir-shabeelle, ayaa Maanta shir-guddoon u doortay mudanaha ugu da’da weyn, kaasoo noqday Maxamuud Siyaad Barkhadle.

Sidoo kale, Xildhibannada ayaa kulankoodii ugu horreeyay oo ay maanta ku yeesheen Jowhar waxay ku magacaabeen guddi toddoba xubnood ka kooban oo ay u xil-saareen qaban-qaabada doorashada guddoomiyaha iyo labadiisa ku xigeennadiisa.

Maalintii shalay ahayd ayaa la dhaariyay 73-mudane oo noqonaya xubnaha baarlamaanka maamulkan cusub, iyadoo lagu wado inay bishan 15-keeda oo ku beegan toddobaadka soo socda ay doortaan madaxweynaha maamulka.

Ugu dambeyn, dhismaha maamulkaan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo ay weli diiddan yihiin dhismaha maamulkan loo sameynayo gobollada Hiiraan iyo Shabeellada dhexe, qaar ka mid ah duubabka Gobolka Hiiraan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya