4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 10, 2016
Dawlada Itoobiya oo xoojinaysa ammaanka gobolada dalkaa

Isniin, Oktober 10, 2016 (HOL)-Dawlada itoobiya ayaa shaacisay in ay ciidamo badan u direyso dhammaan gobolada dalkaa.

Ciidamadaa ayaa xoojinaya xaalad deg deg ah oo dalkaa lagu soo rogay shalay kadib markii loo caal waayay mudaaharaadyo rabshado watay oo dalkaa ka dhacaayay in dhawaale. Dad badan ayaa ku naf waayay rabshadaha halka hanti badana lagu burburiyay.

Gobolada ay rabshaduhu saameeyeen gaar ahaan waa goboloka Oromia iyo gobolka Amxaarada halkaas oo shacabku ka dhiidhiyeen wax ay ku sheegeen takoorid lagu sameeyay iyo in siyaasada dalkaa iyo dhaqaalaha dawladu ay kala dagaalameyso.

Xaalada degdega ah ayaa socon doonta muddo lix bilood ah ayadoo dawlada dalkaasi sheegtay in hadii aan sidaa la yeelin ammaanka guud ee dalkaasi uu halis galayo.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]