4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 10, 2016
Xaalada Gaalkacyo oo saaka daggan kadib labo maalmood oo dagaalo ah

Isniin, Oktober 10, 2016 (HOL)-Kadib labo maalmood oo dagaalo halkaa ay ku dhex marayeen ciidamada Puntland iyo kuwa Galmudug ayaa saaka Gaalkacyo dagan tahay.

Goobihii ganacsiga ayaa dib loo furay saaka. Sidoo kale isu socodka dadka ayaa dib u bilowday.

Dagaalka ayaa ka bilowday Jimcihii dhisme la sheegay in laga dhisay xadka laba dawlad goboleed kala qeybsha.

Si kastaba ha ahaatee, waanwaan odayaasha Gaalkacyo shalay ay sameeyeen ayaa waxaa kasoo baxay in dirirta durba halkaa lagu joojiyo dhiig dambena halkaa aan lagu daadin.

Waxay sidoo kale odayaashu soo saareen bayaan ah in xabbad joojin iyo wada hadal lagu dhemmeeyo dirirta maantana ay tagi doonaan meelihii shaqaaqooyinku ka dhaceen ilaa shalay.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]