4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 10, 2016
Bannaanbaxyo looga soo horjeedo duqeynta xulufada Sacuudiga oo ka dhacay Yemen

 

Isniin, Oktober 10, 2016 (HOL)-Kumanaan qof ayaa ka qeyb qaatay bannaan bax looga soo hor jeedo duqeymaha xulufada Sacuudigu ka wado dalka jaarka ah ee Yemen.

Shalay ayaa in ka badan boqol qof lagu dilay duqeymo ay geysteen diyaaradaha dagaalka ee xulafada Sacuudiga. Ilaa 140 ayaa waxaa lagu dilay duqeyntaa.

Duqeynta ayaa lala beegsaday dad ku sugnaa goob tacsi ay ka socotay.

Xulufada Sacuudiga ayaa duqeymo iyo dagaal kala soo horjeeda fallaagada Xuutiyiinta ee dalkaa ka dagaalama.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]