4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 1 , 2016
SAWIRRO: Banaanabax looga hor-jeedo Xubno lagu xidhay Laascaanood oo ka dhacay Xuddun

Sabti, Oktoobar 01, 2016 (HOL) —Bannaanbax weyn oo looga soo horjeedo xadhig ciidanka ammaanka Somaliland ay u geysteen macallin wax ka dhiga iskuul ku yaalla Degmada Xuddun oo ka tirsan gobolka Sool, ayaa Maanta ka dhacay degmadaas.

Mudaaharaadkaan oo  ay soo abaabuleen ardayda iyo macallimiinta iskuullada waxbarashada ee Xuddun, ayaa dadkii ka qayb-galay waxay siteen boorar ay ku qoranaayeen erayo lagu cambaareynayo hay’adaha Amniga iyo garsoorka Somaliland, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen; Jooji Af-duubka, Ilaali Xuquuqda Aadanaha iyo kuwo la mid ahaa; kuwaasoo shacabka iyo ardayda dibadbaxaan ka qayb-qaadanayay ku dhawaaqayeen.

Dibadbaxayaasha, ayaa ugu dambeyn kusoo ururay barxada Dugsiga Hoose Dhexe ee Degmada Xuddun, halkaasoo ay waxgaradka demada kula hadleen dadweynihii isku soo baxay, iyagoo muujiyay sida ay uga xun yihiin in sabab sharciga waafaqsan oo loo loo xiray macallin, Mustafe Cali Faarax.

Ugu dambeyn, Shacabka Gobolka Sool ayaa muddooyinkii dambe si aad ah u hadal-hayay taxaabidda ay ciidamada ammaanka Somaliland ugu geysanayeen gobolka gobolka xubno aan illaa iyo hadda la shaacin waxay ku xiran yihiin, Waxaana sidoo kale aan caddeyn in hab sharciga waafaqsan loo maray xarigooda iyo sababta loo xiray intaba.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
E-mail: [email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool