4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 1 , 2016
Nairobi Kenya: Kulan soo dhaweyn ah oo loo qabtay boqorka beelaha Daarood

 

Sabti, Oktoobar 01, 2016 (HOL)-Waxaa hoteelka Laico Regency ee Nairobi maanta ka dhacay kulan lagu soo dhaweynayay boqor Burhaan Boqor Muuse oo ah boqorka beelaha Daarood.

Boqorka oo beelaha Soomaalida ah dhammaan wanaagooda iyo dhammaan ummada Soomaaliyeed u ololeeya ayaa ka yimid goor dhow xajka sanadka asagoo soo maray Nairobi ayna casuumaad u fidisay jaaliyada Soomaalida ee Nairobi.

Waxaa kasoo qeyb galay aqoon yahano, culimaa u diin, siyaasiyiin, ganacsato, dhallin yaro iyo marti sharaf kale oo badan oo ay kujireen Xildhibaan Aden Barre Ducaale, Nadiif Jaamac, Sheikh Maxamed C. Umal, Xildhibaan Yuusuf Xassan, Abwaan Axmed Faarax Cali Idaajaa,  Xaaji Yaasiin iyo Suldaan Maxamed Cabdi Oogle.

Waxaa xaflada wacdi diini ah ku furfuray Sheekh Umal asagoo sheekhu wacdigiisa ku soo gunaanaday in hoggaamiyeyaasha Soomaalidu aysan jecleysan xukunka raadintiisa iyo inay caddalad falaan hadii talo loo dhiibo.

Waxaa ku xigay khudbado ay soo jeediyeen intooda badan masuuliyiintaa aan sare kusoo xusnay iyo kuwo kale oo badan oo xafladaa oo si heer sare ah loo soo agaasimay joogay.

Suldaan Maxamed Cabdi Oogle ayaa boqorka ku soo dhaweeyay goobta iyo makarafoonka.

Boqorka ayaa ugu dambeyn khudbad halkaa ka jeediyay asagoo tusaale u soo qaatay wanaagii uu ugu tagay inuu ka shaqeeyo Koofur Afrika boqorka Zuuluga sanadkii hore.

Wuxuu aad iyo aad u bogaadiyay una ammaanay jaaliyada Soomaalida ee ku dhaqan Kenya asagoo sheegay inay tusaale fiican u tahay bulshada ku dhaqan gayigaan Bariga Afrika.

Ugu dambeyntii ayaa halkaa waxaa hoggaamiye dineed kale uu ku soo gunaanaday duco guud.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
Caasimada Nairobi ee Kenya
[email protected]