4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 1 , 2016
Ra'iisal Wasaare ku-xigeenka Dowladda Somalia oo Maanta gaaray Magaalada Beledweyne (DAAWO)


Sabti, Oktoobar 01, 2016 (HOL) — Ra'iisal wasaare ku-xigeenka xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cumar Carte iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta Gaaray Xarunta Gobolka Hiiraan ee Beledweyne.

Wafdiga Ra'iisal wasaare ku xigeenka, ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ku soo dhaweeyay mas'uuliyiinta maamulka heer gobol iyo degmo, iyadoo intaa kaddibna loo soo galbiyay xarunta maamulka magaalada Beledweyne.Ra'iisal Wasaare ku-xigeenka oo hadal kooban jeediyay ayaa sheegay in socdaalkiisa uu ku salka xog-wareysi iyo kulammo kala duwan oo uu la yeellan doono mas'uuliyiinta gobolka iyo qeybaha bulshada oo ay ka wadda hadli doonaan xaalada siyaasadeed iyo waqtiga kala guurka ee uu dalku gallay.

Ugu dambeyn, Socdaalka RW ku-xigeenka Somalia ayaa imaanaya xili la isku diyaarinayo soo xulista Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Somalia, dhinaca kalena Magaalada ay ka socdaan kulamo hoosaadyo siyaasadeed oo dhinacyo badan taabanaya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected] 
Beledweyne, Soomaaliya