4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 1 , 2016
Wasiiru-Dowlihii Madaxtooyada iyo xiriirka Caalamiga ah ee Puntland oo Maanta Is-Casilay

/images/2016/Oct/
Sawirka Dr. Maxamed Cabaas.


Sabti, Oktoobar 01, 2016 (HOL) —Wasiiru dowladaha madaxtooyada iyo xiriirka caalamiga ah ee Puntland Dr. Maxamed Cabaas ayaa maanta  shaaciyay in uu is-casilay ka dib khilaaf ka dhashay deeqo uu soo dhiibay oo la musuq-maasuqay.

Maxamed Cabaas oo la soo xiriiray warbaahinta ayaa sheegay in uu waraaqdiisa is-casilaad-da u soo gudbiyay madaxweynaha Puntland , mana uusan faah-faahin khilaafkan oo la sheegay in uu muddo soo jiitamayay.

Warar ay HOL heshay ayaa sheegaya in wasiirka uu ka carooday in deeqo uu soo dhiibay aan la gaarsiin goobihii loogu tala-galay ,waxaana deeqdan oo u badnaa qalabyo caafimaad la sheegay in la gatay.

Dr. Cabaas ayaa noqonaya wasiirkii labaad oo muddo laba asbuuc ka yar ka taga shaqada ,waxaana ka horeeyay wasiirkii hore ee warfaafinta Maxamuud Soocad-de ,kaasi oo isna istiqaalad-diisa u gudbiyay madaxweynaha Puntland tobaad ka hor.

Ugu danbayn,ma jiro wax war ah oo ka soo baxay madaxtooyada Puntland oo la xiriira is-casilaad-da mas’uulkan oo kamid ahaa rag-ga ay sida aadka ah isugu dhowaayeen Madaxweyne C/wali Gaas. 

Hiiraan Online News Desk