4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 1 , 2016
SAWIRRO: Danjiraha Somalia ee South Sudan oo Maanta laga Guddoomay Warqadihii Aqoonsiga


Sabti, Oktoobar 01, 2016 (HOL) — Madaxweynaha dalka Koonfurta Sudan Salva Kiir Mayardid, ayaa waraaqihii aqoonsiga safiirnimo kaga guddoomay Danjiraha Cusub ee Dowladda Federaalka Somalia ay u magacowday Dalka dalkaas, Xuseen Xaaji Axmed Maxamuud.

Danjiraha Soomaaliya ee Koonfurta Sudan, ayaa waxaa Munaasabaddii looga Guddoomay Warqadaha Aqoonsiga oo ka dhacday Xarunta Madaxtooyada ee Juba, ayaa waxaa Goob-joog ka ahaa Wasiirro ka tirsan Xukuumadda South Sudan iyo dublamaasiyiin ka tirsan Safaaradda Somalia ee Juba.

Sidoo kale, Xuseen Xaaji Axmed Maxamuud ayaa Madaxweyne Salva Kiir Gaarsiyay farriin uu uga siday madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh, waxaana hadallo halkaas laga jeediyay looa hadlay xiriirka labada waddan.

Waddanka Koonfurta Suudaan ayaa waxaa ku sugan Somali badan oo halkaa u joogo Hawlo Ganacsi, kuwaasoo dhibaatooyin ay kasoo gaareen colaado is-daba-joog ah oo waddankaas ka dhacayay tan iyo dhammaadkii Sannadkii 2013-kii.

Ugu dambeyntii, Dalka Koonfurta Suudaan oo ay colaado sokeeye ka jiraan ayaa waxaa horay danjire uga ahaa Somalia, C/raxaman Nuur Maxamed Diinaar iyadoo Danjiraha cusub ay Dowladda Somalia dhawaan u magacowday.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya