4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 1 , 2016
Qarax Baabuur oo Goor-dhaweyd lala beegsaday Baar ku dhaw Tiyaatarka Qaranka ee Muqdisho


Sabti, Oktoobar 01, 2016 (HOL) — Ugu yaraan sadex qof ayaa ku geeriyooday, tiro kalena way ku dhaawacmeen qarax gaari oo goor-dhaw lala beegsaday maqaayad lagu Magacaabo Blue Sky oo ku dhaw Tiyaatarka Muqdisho, halkaasoo ay ku sugnaayeen dad badan xilliga uu dhacayya qaraxa.

Sidoo kale, Gaadiidka gurmadka deg-degga ah ayaa halkaas gaaray, kuwaas oo ka qaadyay dhaawacyo sida ay sheegeen Goob-joogayaal ku sugnaa meel Maqaayadda Qarax lala beegsaday ku dhaw.

"Maqaayad lagu Magacaabo Blue Sky ayaa lala beegsaday Qarax gaari, Welina khasaaraha ka dhacay lama oga," ayuu yiri sarkaal ka tirsan Booliiska Somalia oo Saxaafada la hadlay, wuxuuse sheegay in Qaraxa uu ahaa mid xooggan.

Qaraxaan, ayaa imaanaya xilli dhawaanahan uu amaanka Muqdisho ahaa mid Wanaagsan, iyadoo aysan weli jirin cid sheegatay inay weerarkan mas’uul ka tahay, inkastoo qaraxyada noocan oo kale ah ay sheegato Al-shabaab.

Wixii warar ah ee kusoo kordha weerarkan qaraxa ah waxaad waxaa kula socon doontaan wararka soo socda ee HOL haddii ALLE ogolaado.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya