4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 1 , 2016
Ururka Midowga Yurub oo ka digay in Doorashada Soomaaliya ay mar kale dib uga dhacdo November


Sabti, Oktoobar 01, 2016 (HOL) — Ururka Midowga Yurub ayaa ka hadlay dib u dhigidda doorashooyinka Soomaaliya, isagoo ka digay in doorashada mar kale dib loo dhigo, iyagoo sheegay in dib u dhac walba oo Doorashooyinka ku yimaada ay doorashooyinka ku sababi karaan carqalad.

Guddiga Doorashooyinka Federaalka Soomaaliya, ayaa toddobaadkii hore waxay sheegeen in doorashada dib loo dhigay muddo bil ah, iyagoo xusay in doorashada madaxweynaha ay dhici doonto 30-ka November 2016-ka.

“Shaki noogama jiro in Doorashooyinka Somalia ay ka dhacayaan; Laakiinse Arrinta aanu ka Walaacsan-nahay ayaa ah in doorashooyinka ay ku dhacaan si gaabis ah,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed uu soo saaray Midowga Yurub.

Warbixinta ururka ayaa waxaa kaloo lagu yiri. “Soomaalidu waa busho si aad ah u dhawra dastuurka iyo shuruucda u yaalla, iyadoo doorashooyinka aysan baaqan doonin, Laakiinse waxaa loo baahan yahay inaysan mar kale dib uga dhicin 30-ka Bisha November 2016-ka, Maadaama doorashadu ay tahay mid indhaha lagu hayo.”

Dhanka kale, Qaramada Midoobay ayaa dhawaan sheegtay inay nasiib-darro weyn tahay in doorashooyinka Somalia dib looga dhigo muddadii lagu heshiiyay, laakiinse mas’uuliyiinta Soomaailda laga donayo inay sal u dhigaan doorashada sannadkan dhacaysa.

Ugu dambeyn, Ururka Midowga Yurub ayaa dowladda federaalka Soomaaliya ka Taageera dhinca tababarka cidamada iyo qalabeyntooda, waxaana sidoo kale ay ka taageeraan Qaybo kale oo muhiim ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya