4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 1 , 2016
Faarax Macalin, afhayeenkii hore ee baarlamaanka Kenya iyo wasiir hore oo Soomaali ah oo feer isku daaduumiyay

 

Sabti, Oktoobar 01, 2016 (HOL)-Faarax  Macalin, afhayeenkii hore ee baarlamaanka Kenya iyo wasiir hore oo Soomaali ah ayaa feer isku daaduumiyay.

Muuqaal arinkaa ku saabsan ayaa laga arkay fiidiyow CCTV ah ayagoo waliba feer isla dhacaya Faarax Macalin iyo waziirkii hore ee isgaarsiinta Soomaaliya Maxamed Mursal, gudaha hoteel ku yaala caasimada Kenya ee Nairobi.  

Waxa dhaliyay inay is dagaalaan labadaa masuul lama xaqiijin ilaa iminka oo aanu warbixintaan qoreyno!

Balse qiimeyn siyaasadeed oo dadka arimaha siyaasada u kuurgala ay sheegeen ayaa dhigaysa in ay isku khilaafeen arimo la xiriira siyaasada oo ay sidaa isku maan dhaafeen labadaasi masuul.

Hoteelka ayaa ah Serena Hotel ee ku dhow bartamaha caasimada Nairobi.  Waxaa soo kala dhex galay macaamiisha hoteelka iyo waardiyeyaasha ammaanka ee hoteelka.

Lama xaqiijin in mar bannaanka loo wada saaray labada masuul ay hadana bannaanka isku feereen.

Waziirkii hore ee isgaarsiinta Soomaaliya Maxamed Mursal ayaa arinkaa la sheegay inuu ku wargaliyay dacwadna gaarsiiyay booliska saldhigga Kileleshwa ee Nairobi.

Sargaal sare oo ka tirsan saldhiggaa, Peter Katam ayaa sheegay in haatan boolisku arinkaa eegayo.


Aaden M Warsame
Hiiraan Online
Caasimada Kenya ee Nairobi
[email protected]