4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 1 , 2016
Dacadwadii dhallinyarada Soomaalida ee India oo dib loo dhigay


Sabti, Oktoobar  01, 2016 (HOL)-Shalay ayaa waxaa la filaayay in qaar kale oo ka tirsan dhallinyarada ku xiran India ee Soomaaliyeed dacwadooda la qaado.

Hase ahaatee dhagaysiga dacwadooda ayaa shalay dib loo dhigay. Dhallinyaradaa ayaa tiradoodu boqol sare u dhaaftay waxaana loo haystaa burcadbadeednimo walow in badan ay ku andacoonayaan inay yihiin kalluumeysato.

Asbuuc ka hor ayaa tobananaan ka tirsanaa wiilashaa waxaa lagu xukumay dil maxkamad kutaala Mumbai India.  

Safaarada Soomaaliya ee India ayaa warbaahinta u xaqiijisay in dacwada dib iminka loo dhigay.

Waxaa la dhagaysan doonaa dacwadaa 13 bishaan Oktoobar ee maantaka 1da ah.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]