4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 4 , 2016
Baarlamaanka K/galbeed oo ogolaaday in Shariif Xassan u tartami karo xilka madaxweynaha Soomaaliya

Jimco, November, 04, 2016 (HOL) --Madaxweynaha maamulka Koonfur galbeed\Shariif Xassan Sheeh Aadan ayaa ka dalbaday xildhibaannada maamulkiisa in ay awood u siiyaan in uu u tartami karo xilka madaxweynaha Soomaaliya sanadkan 2016ka.

Baarlamaanka maamulka Koonfur galbeed ayaa ka ogolaaday Shariif Xassan codsigiisa iyaga oo cod aqlabiyad ah ku ogolaaday in uu u tarmi karo kursiga ugu sareeya tallada dalka [Madaxweyne]

Tallaabada uu qaaday baarlamaanka maamulka Koonfur galbeed ayaa ka dhigan in Shariif Xassan uusan iska casili doonin madaxweynaha maamulka Koonfur galbeed, islamarkaana isaga oo xilkaa haya dhinaca kale uu isku soo sharixi karo qabashada xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Todobaadyadii ugu danbeeyay waxaa soo baxayay warar sheegayay in Shariif Xassan qorsheynayo in uu isku soo taago qabashada kursiga madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweyne Shariif Xassan ayaa ka mid ahaa hogaamiyayaashii maamul gobolleedyada dhawaan tagay dalka isku taga imaaraadka Carabta oo siweyn loo hadal hayay in ay ka wadda hadlleen mas'uuliyiinta Imaaraadka arrimo la xiriira doorashada Soomaaliya ee sanadkan 2016ka.

Marka la eego habka awood qeybsiga ay ku dhisan tahay dowladda federaalka Soomaaliya inta badan beesha uu ka soo jeeddo Shariif Xassan waxaa ay isku soo sharixi jirtay guddoonka ugu sareeya baarlamaanka Soomaaliya, lama oga waxa hanaanka awood qeybsiga ay uu ka badali doono go'aanka uu gaaray baarlamaanka maamulka Koonfur galbeed.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya