4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 4 , 2016
Liiska xubnaha aqalka sare maamulka Hir-shabeelle oo goor dhaw lagu dhawaaqay [Magacyada]

Jimco, November, 04, 2016 (HOL) - Maamulka Hirshabeelle ayaa goor dhaw oo maanta ah uga dhawaaqay magaalada Jowhar musharixiinta xubnaha aqalka sare kuwaasoo u tartami doona sidddeed kursi oo uu maamulka Hirshabeelle Aqalka Sare.

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa ku dhowaaqay 21 Musharax oo 5 kamid ah ay yihiin dumar kuwaasoo u tartami doona Aqalka Sare. Maamul goboleedyada kale ee dalka Soomaaliya ayaa hore u qabtay doorashooyinka Aqalka Sare.

Xubnaha magacyadooda la shaaciyay ayaa lagu waddaa in ay hortagaan baarlamaanka Hirshabeelle maalinta berri ah 5ta Bisha November iyagoo qudbado u jeedin doona xildhibaanada baarlamaanka kana hadli doona waxyaabaha ay qaban doonaan. Doorashada Xubnaha Aqalka Sare ayaa waxa ay dhici doontaa maalinta Axada lixda bisha November 2016.

Musharixiinta lagu dhawaaqay ayaa kala ah :

1-Maryan Axmed Haaruun iyo Aadan Axmed Xuseen

2-Faadumo Abuukar Mahdi, Drs Naciimo Shiikh Maxamuud,Fartuun C/dir Faarax, Sacdiyo daa’uud Maxamed iyo Axmed Sayid Axmed

3-Maxamed Cismaan Faarax(Dhagajun) iyo Cumar Cismaan Cilmi

4-Bashiir Maxamed Aadan iyo Cabdnuur Ibraahin Farey,Cismaan Mocow iyo Siraaji Shiikh Isxaq Cabdulle.

5-Maxamed Awow Shiikh Cismaan iyo Maxamed Xasan Geedi

6-Muuse Suudi Yalaxow iyo  Xasan Cali Caadle

7-Maxamed Xuseen Raage iyo Keyse Diiriye Nuur

8-Jaamac Xuseen Xaashi iyo Prof Cismaan Maxamuud Duflle.

Ugu danbeyntii, horay waxaa xubnaha u matalaya aqalka sare ee dalka u soo gudbiyay maamulada Puntland, Galmudug, Jubbaland, iyo Koonfur galbeed.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya