4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 4 , 2016
QM oo sheegtay in ay qiime weyn ugu fadhido joogitaanka ciidamada Kenya Koonfurta Sudan

 

Jimco, Nofember 04, 2016 (HOL)-Masuuliyiinta Qaramada Midobaay ayaa sheegay in ay qiime weyn ugu fadhido kaalinta ay milatariga Kenya ka qaadanayaan howlgalka nabad ilaalinta ee ka socda waddanka Suudaanta Koonfureed (South Sudan).
 

Af hayeen u hadlay Qaramada Midoobay ayaa sheegay in horeyba loo ogsoonaa in ay ciidamada Kenya ee jooga dalkaasi hayaan howl muhiim ah oo ay dan weyn shacabka South Sudan ugu jirto.

 

Hadalka kasoo baxay Qaramada Midoobay ayaa yimid kadib markii dowladda Kenya ku dhawaaqday in ay dhawaan ciidamadeeda kala soo bixi doonto Koonfurta Sudan. Kenya ayaa ka carootay in taliyihii ciidamada QM ee dalkaa ku sugnaa oo asagu ah nin Kenyan ah xilkii laga xayuubshay.

 

Xukuumadda Kenya ayaa sheegtay in ay gabi ahaanba faraha kala bixi doonto hannaanka nabad ilaalinta ee ka socda dalkaa kaasoo ay si ba’an u saameeyeen dagaallada sokeeye.

 

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya oo arrintaan uga dhawaaqday magaalada caasimadda ah ee Nairobi ayaa sheegtay in go’aankaan uu daba socday tillaabadii uu dhawaan xog hayaha guud ee QM xilka uga qaaday taliyihii ciidamada nabab ilaalinta QM ee Suudaanta Koofureed Johnson Mogoa Kimani Ondieki oo u dhashay dalkan Kenya.

 

Taliyahaasi ayaa xilka laga qaaday kadib markii lagu eedeeyay in ciidanka uu hogaaminayo ay ku guul dareysteen in ay difaacaan dadka shacabka ah ee ilaalintooda loo xil saaray.

 

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
Caasimada Kenya ee Nairobi
[email protected]