4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 4 , 2016
Xafiiska waaxda socdaalka iyo Jinsiyadaha oo laga herligayay degmada Cadaado

Jimco, November, 04, 2016 (HOL) --Waxaada socdaalka iyo Jinsiyadaha dowladda federaalka Sooomaaliya aya xafiis ka furatay degmada Cadaado oo xarun kumeel-gaar ah u ah maamulka Galmudug, iyadoo xafiiskan uu bixin doono Baasaboorada.

Xafiiska cusub ee waaxda socdaalka ayaa lagu sheegay in uu noqonayo kan ugu ballaaran ee laga hirgalinayo gobollada Mudug iyo Galmudug ee bartamaha dalka,sida uu sheegay taliyaha waaxda Socdaalka iyo Jinsiyada Col. Maxamed Aadan Jimcaale Koofi oo ku sugan degmada Cadaado.

Taliyaha, waxaa uu intaa ku darray in markii hore aanay deegaannada gobollada Galguduud iyo Mudug jirin meel ay dadku heli karaan basaboorka Soomaaliga, hase ahaatee wixii hadda ka dambeeya ay hay'addu u fududeyn doonto dadweynaha qaadashada baasaboorada iyo adeegyada kale ee ay uga baahan yihiin Waaxda Socdaalka.

Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ayaa Xafiisyo ku leh magaalooyinka dalka, waxaana xafiisyadaas ay qabtaan adeegyada shacabka u baahan yihiin ee ku saabsan qaadashada Baasaboorada.

Ugu danbeyntii guud ahaan marka aad eegto dadka ku dhaqan gobollada dhexe ayaa dhibaato weyn ku qaba helista basaboorka Soomaaliga, madaama muddo ku dhawaad 20 cisho ay ku qaadaneyso in ay hellaan basaboorka oo qofka looga dalbo magaalada Muqdisho, halkaa oo lagu soo farsameeyo.

C/raxmaan Diini,. Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya