4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 4 , 2016
Wasiirka Arrimaha Dibadda Khaatumo oo ka Hadlay Wadahadaladii ka dhacay Addis Ababa


Jimco, November 04, 2016 (HOL) — Wasiirka Arrimaha Dibadda Khaatumo, Maxamuud Ismaaciil [Shabac], ayaa ka warbixiyay Wada-hadalkii Khaatumo iyo Somaliland ku dhex-maray Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, kaasoo ay kasoo baxeen Qodobbo dhawr ah.

Wasiirka ayaa tilmaamay inay ku heshiiyeen labada dhinac inay wahadal kan la mid ah ay isugu yimaadaan Doomnaan 17-ka bishan, isla markaana ay ka noqoto Dowladda Itoobiya dhexdhexaadiye Wada-hadallada labada dhinac.

Mar wax laga waydiiyay Wasiirka oo VOA-da u warramayay; Sababta ay ugu Wada-hadli Waayeen Gudaha dalka, ayaa ku jawaabay in Arrintaan ay tahay mid aad u adag oo Arrimo Masiiri ah looga hadlayay, marka la gaadho Xilligeedana ayaa gudaha lagu qaban doonaa, balse inuu furmo Wadahadal ay ka mid ahayd in dal shisheeye uu ka billowdo.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa Carrabka ku dhuftay in Xukuumadda Itoobiya ay ku Casuuntay labada dhinac in wadahadalkooda uu marti-geliyo dalkeeda, ayna aqbaleen, taasoo sabab u ahayd inay Somaliland iyo Khaatumo ay shir isugu yimaadaan, ayna ugu muhiimsanayd in Wanaag lagu Wada-noolaado, aynna diidaneyn inay ka mid yihiin Goboladii Horay la isku oran jiray Reer Waqooyiga, laakiinse ay Muhiimadda Saarayaan Arrimaha Ammaanka.

Dhinaca kale, Madaxwaynaha Somaliland Axmad Maxamed Siilaanyo, ayaa Dhankiisa ka hadlay Shalay Wada-hadalladii dhexmaray labada dhinac isagoo sheegay in si faahfaahsan Maalinta bari ah uu uga xog-warami doono.

Ugu dambeyn, Wada-hadallada labada dhinac, ayaa kusoo beegmaya xilli Kala-fogaansho Dhinaca Siyaasadda ahi uu u Dhaxeeyo Hoggaanka ugu Sarreeya Maamulka Khaatumo, Sidoo kalana ay Madax-dhaqameedka Gobolladaan ay ic-laamiyeen inay Qaadacsan yihiin Shirarkaan dhawaana ay kulan isgu imaan doonaan si ay uga Falan-qoodaan Arrimahaan.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]  
Laascaanood, Gobolka Sool