4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 4 , 2016
Taliska Booliiska Gobolka Banaadir oo Amar Adag kasoo saaray Hubka lagu dhex-wato Muqdisho


Jimco, November 04, 2016 (HOL) — Taliska Booliska Gobolka Banaadir, ayaa soo saaray Maanta Amarro cusub oo ku aadan ammaanka Muqdisho, iyadoo si wadajir ah ay dhawaan Ciidamada kala duwan ee Dowladda Federaalka uga billaabi doonaan Hawl-gallo la Xiriira sugida Amniga Muqdisho.

Col. Bishaar Abshir Geeddi oo ah taliyaha booliiska Gobolka Banaadir, ayaa sheegay inaan la ogolaan doonin Ciidamo aan qayb ka ahayn kuwa amniga Dowladda Federaalka Somalia oo hub ku dhex wata Muqdisho.

Sidoo kale, Wuxuu sheegay in ciidamada Nabad-sugida, Booliiska iyo Millateriga ay iska-kaashan doonaan sugida amniga Muqdisho, isagoo inaas ku daray in ciddii jabisa amarkan laga qaadi doono Tallaabo sharciga waafaqsan.

“Ciddii aan ka tirsanayn ciidanka gobolka Banaadir ee sugaya ammaanka ka shaqeynaya ee hub ku dhex-sidata Muqdisho Sharciga ayaa lala Tiigsanayaa, Ciidanka Milaterigana Amar ayay kasoo saareen Tallaabadaan,” ayuu yiri Col. Bishaar oo warbaahinta la hadlayay.

Ugu dambeyn, Waxaa lagu wadaa in inta lagu Gudo-jiro Doorashooyinka 2016-ka ka dhici doona Muqdisho in la Adkeeyo Ammaanka, isla markaana la xiro waddooyin muhiimka ah ee magaalada Qaarkood.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya