4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 4 , 2016
SAWIRRO: Qarax khasaare sababay oo ka dhacay Turkiga iyo Xildhibaanno loo Taxaabay Xabsiga

Jimco, November 04, 2016 (HOL) — Ugu yaraan siddeed qof ayaa ku dhintay, in ka badan 30-qof oo kalena way ku dhaawacmeen Qarax culus oo maanta ka dhacay Dibadda Saldhig Booliis oo ku yaalla Magaalada Diyarbakir ee Koonfur-bari Dalka Turkiga, saacado kaddib markii ay booliisku ay xireen madaxda xisbiga saddexaad ee Baarlamaanka Dalka Turkiga ugu aqlabiyadda badan.

Wasiirka cadaalada dalka Turkiga, Bekir Bozdag ayaa sheegay in madaxda HDP Selahattin Demirtas iyo Figen Yüksekdag la xiray, kaddib markii ay diideen in Su'aalo laga Weydiiyo eedeyn ah in ay xiriir la leeyihiin Ururka Dalkaas laga mamnuucay ee PKK.

Xildhibaannadaasi ayaa beeniyay eedaha loo jeediyay. Waxaana xasaanadda baarlamaan ee ay lahaayeen laga Xayuubiyay Bishii May ee Sanadkan lagu jiro ee 2016-ka.

Madaxa Siyaasada Dibadda ee Midowga Yurub Federica Mogherini ayaa sheegtay inay ka Walaacsan tahay Xarigga Xildhibaannadaas iyo weliba 10 xildhibaan oo horay loogu xiray dalka Turkiga.

Dhanka kale, dhaawacyada qaarkood ayaa la sheegay in Dhaawacyadoodu ay yihiin kuwo culus, haatanna qaar ka mid ah Isbitaallada Magaaladaas lagu daweynayo, inkastoo aanay faahfaahin intaas ka badan bixin hay'adaha caafimaadka Magaaladaas.

Wakaaladda Wararka Reuters, ayaa baahisay in qaraxa loo Adeegsaday Gaari Waxyaabaha Qarax laga soo buuxiyay la dhigay afaafka saldhigga booliiska. Iyadoo la sheegay in dadka ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay ay booliis iyo shacab isugu jiraan.

Ugu dambeyntii, Magaalada Diyabakir, ayaa ah Mida ugu weyn ee ay ka Degaan Koonfur-bari Turkiga dadka Kurdish-ka ah, iyadoo Qaraxaan si aad ah looga maqlay Dhulal aad uga fog.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya