4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 4 , 2016
Burundi oo ku hanjabtay inay ciidanka kala baxayso Soomaaliya Haddii aan la Siin Mushaarkooda


Jimco, November 04, 2016 (HOL) — Dowladda Burundi ayaa ku goodisay in ciidankeeda Qaybta ka ah Hawl-galka Midowga Afrika ee Somalia [AMISOM] ay kala bixayso haddii aan si toos ah loo siin mushaarkooda.

Wasiirka Difaaca Burundi, Emmanuel Ntahomvukiye oo xildhibaanada baarlamanka dalka Burundi uga jawabaayay su’aalo ku saabsan Ciidanka Nabad-ilaalinta Burundi ee Somalia ku sugan ayaa sheegay inaysan meesha ka saarayn inay lasoo baxaan Ciidankooda, Haddii Midowga Afrika uu kusii adkeysto inay si toos ah u siin ciidankooda mushaarkooda, Halkii loo marsiin lahaa Dowladaha ay ka socdaan ciidamada.

“Ururadan iyo cadowga dalka, waxay doonayaan inay ciidamada iyo dalalka ay ka socdaan ay ka dhex-abuuraan muran, iyagoo Markaasi sameynaya wax aan lagu fikiri karin, in ay si toos ah u siiyaan mushaarka,” ayuu yiri, isagoo intaas ku daray.

“Haddii ay Xadkaas kala qaybinta ee annaga iyo ciidankeeda soo dhaafaan, shaki kuma jiro waxaan dib ugu soo celin doonnaa dalka.Annaga ayaan u dirnay Soomaaliya, ma aha iyaga kuwa diray. Marka ay Somalia joogaan oo ay la dagaalamayaan Al-shabaab, waxay u tahay Qarankeena Sharaf.”

Ugu dambeyn, Wasiirka Gaashaandhiga Burundi, ayaa hoosta ka xariiqay in ciidamadooda Qaybta ka ah AMISOM aysan muddo Toban bilood ah qaada Wax Mushaar ah. Waxana u jirtay horay cabashooyin ku aaddan mushaarka ciidamada AMISOM ee Somaia ku sugan. 

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya