4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 4 , 2016
Madaxweynah Puntaland oo beeniyay eedaymo loosoo jeediyay

Jimco, Nofember 04, 2016 (HOL)-Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas oo warfidiyeenka kula hadlayay magaalada Garoowe shalay galab ayaa iska fogeeyay eedaymo loo jeediyay oo ahaa inuu lunsaday lacago dowlada Fedraalka Soomaaliya ay Puntland siisay si mashaariic loogu fuliyo.

Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in uusanba jirin wax dhaqaale ah oo Dowladda Federaalka ah ka soo gaaray Puntland. Wuxuu sheegay in lagu been abuurtay oo in wax uu lunsaday ay tahay been aan sal iyo raad toona lahayn.

Wuxuu yiri dawlada federaalka ah ayaa looga fadhiyaa inay caddeyso hadii ay jirto inay wax qarash ah oo mashaariic loogu tala galay ay siisay Puntland.

Eedeymahaa ayaa Madaxweyne Gaas waxaa usoo jeediyay xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Puntland, waana Cismaan Diiriye.

Ma jiraan warar madax bannaan oo ka waramaya in eedaa ay jidho iyo in kale waxa aan ka ahayn eedeyntaa iyo jawaab celinta Madaxweyne Gaas.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]