4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 4 , 2016
Ololaha Doorashada Mareykanka ee dhici doona Toddobaadka soo socda Marxalad cusub galay


Jimco, November 04, 2016 (HOL) — Waxaa Dar-dar xoog leh yeesha Ololaha Doorashada ee dalka Mareykanka kaas oo ku sii dhowaanaya xilligii uu xirmi lahaa.

Musharraxiinta; Hillary Clinton iyo Donald Trump Waxay Gobollada natiijada Noorashada go'aanka ka gaaraya isugu soo bixiyeen taageerayaashooda.

Labada musharrax waxa ay su'aalo ka keenayeen sida mid kastaa uusan dalkaasi u maamuli karin.

Trump ayaa xusay in Hillary Clinton aysan ka bixi doonin Hannaan lagu dacweynayo oo la xiriira emailka gaarka ah ee ay isticmaashay.

Xisbigeeda Dimuquraadiga waxa uu ka digayaa in Trump uu billaabi doono dagal dhab ah oo aanan ku ekeyn barta Twitter-ka oo keli ah.

Sidoo kale, Saadaasha Natiijada doorashada oo aad isugu dhaw ayaa Waxay Dhiirri-gelisay xisbiga Jamhuuriga.

Dhanka kale, Xitaa Musharraxii mar ay sida Adag isaga soo Horjeedeen Trump, Ted Cruz, waxaa lagu arkay isu soo bax uu qabtay musharraxa madaxweyne xigeenka Donald Trump ee Mike Pence.

Ugu dambeyntii, Toddobaad ka hor ayaa Arrintu waxay u muuqatay in ay tahay mid fudud ayaa hadda waxay isu bedeshay loollan cidiyaha la iska xagto.

XIGASHO BBC

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya