4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 4 , 2016
Boqolaal ciidamada Kenya ka tirsanaa oo shaqada ka tagay tan iyo markii ciidamada Kenya loo diray Soomaaliya

Jimco, Nofember 04, 2016 (HOL)-In ka badan 800 oo askari oo ka tirsanaa ciidamada Kenya ee KDF ayaa shaqadoodii militarinimo isaga tagay tan iyo sanadkii 2011 markii ciidamada KDF loo diray daakhilka Soomaaliya.

Sidaa waxaa xaqiijiyay Agaasimaha Dacwad-oogaha KDF Kenneth Okoki Dindi. Wuxuu intaa raaciyay in asbaab kala duwan ay ciidamadaasi shaqooyinkoodii militari uga tageen.

Wuxuu sheegay asagoo waliba caddeyn tasdiiqsan ku qoray (affidavit) in arintaasi saamayn ballaaran ay ku yeelatay awooda KDF ee dhanka anshaxa ciidamada iyo goosashada askarta ah.

Wuxuu sidoo kale sheegay in tagitaanka askar si wanaagsan u tababaran ay caqabado xun ku keeneyso hawlgalka militari ee kasocda iminka gudaha Soomaaliya.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]