4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 4 , 2016
Madaxweyne Xasan oo soo dhaweeyay heshiiskii ay Abuu Dhabi ku Gaareen Puntland iyo Galmudug.


Jimco, November 04, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud ayaa soo dhoweeyey heshiiskii dhawaan magaalada Abu Dhabi ee Waddanka Imaaraadka Carabta ay ku kala Saxiixdeen Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo Madaxweynaha Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay labada Madaxweyne ee maamulad Galmudug & Puntland inay sida uu yahay u fuliyaan heshiiskaas ku aadan nabad waarta oo laga gaaro dagaallada dhaxmaray dadka walaalaha ah ee ku nool magaalada Gaalkacyo.

“Waxaan ugu baaqayaa Madaxweynayaasha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed in ay ka Shaqeeyaan sidii uu u Dhaqan-geli lahaa heshsiiska ay ku kala saxiixdeen Magaalada Abu-Dhabi si mar dambe uusan u daadan dhiigga dadka waalaalaha ah ee Gaalkacyo ku nool. Dowladda Federaalka waxay diyaar u tahay inay labadda dowlad Gobolleed ay ku garab istaagto in heshiiskaasi sida uu yahay u dhaqan galo,” ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan ayaa uga mahad celiyey Amiirka dalka Isutaga Imaraadka Carabta Sh. Khaliifa Bin Zayed Al Nahyan iyo dhaxal-sugaha Imaaraadka Carabta Sh, Maxaxmed Bin Zayed Al Nahyan dedaaladii ay ka geysteen heshiiska lagu nabadeynayo Gaalkacyo ee ay gaareen Puntland iyo Galmudug. Madaxeynaha ayaa sidoo kale uga mahad-celiyey dowladda Imaaraadka Carabta sida walaltinimada ah ee ay uga qeyb qaadaty dib u dhiska, horumarka iyo nabadeynta Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in xirriirka ka dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta uu yahay mid adag oo soo jireen ah, Soomaaliyana ay ka go’antahay in xiriirkaas taariikhiga ah uu sii xoogeysto.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya