4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 3 , 2016
Maxkamadda Sare ee Britain oo Diiday Habka ay Xukuumada UK uga baxayso Midowga YURUB


Khamiis, November 03, 2016 (HOL) — Maxkamada Sare ee Britain ayaa diiday hanaanka ay xukuumadda Britain uga baxayso ururka Midowga Yurub oo ay horay shacabka dalkaas ugu Codeeyeen in laga baxo. Waxaana Xukuumadda UK laga dalbaday in ay ogolaasho ka hesho Baarlamaanka.

Go’aanka Maxkamadda Sare, ayaa Taageeray Dad u ololaynaya in Yurub laga mid ahaado, kuwaasoo ku dooday in dowladdu aysan isticmaali karin awooda boqortooyada, aysanna ka qaadi karin xuquuqda shacabka British-ka ah markii ay ku biireen Ururka Midowga Yurub.

Sidoo kale, Garyaqaanada Xukuumadda UK, ayaa loo ogolaaday in ay ka qaataan go'aanka maxkamadda sare racfaan, si ay dacwaddooda arrintan ku saabsan ay u Cusboonaysiiyaan.

Xoghayaha Ganacsiga Caalamiga ah ee Britain, Liam Fox oo Muhiim u ah Is-tiraatijiyadda Britain ay uga baxayso Yurub, ayaa sheegay in dowladda ay ka go'an tahay inay Qaddariso Natiijada Aftidii bishii Juun ee Sannadkaan oo taageertay in laga baxo Midowga Yurub.

Ra’iisul Wasaaraha Britain, Theresa May oo hadashy ayaa ku tilmaantay in cod Baarlaman loo helo Go’aankii horay loo gaaray ay Taasi la micno noqonayso in Xildhibaannadu aysan rabin in ay Go’aankaan Ayidaan, Waxayna ku eedeysay kooxaha u ololeynaya in Midowga Yurub lagu sii jiro inay ku tilmaameen tallaabadan inay tahay mid aan dastuuri ahayn.

Dhanka kale, Xoghayaha ka bixitaankii UK ee Ururka Midowga Yurub, David Davis ayaa isna sheegay in Go’aanka Maxkamadda Sare, ay u Qaadanayaan mid lagu jabinayo Qodob Dastuuri ah, isla markaana aan la aqbali karin.

Ugu dambeyn, Davis ayaa xusay in go’aanka ka bixitaanka Yurub uu yahay mid Shacabka Dadweynaha Britain ay gaareen, isla markaana ay Xukuumaddu rafcaan ka qaadan doonto go’aanka maxkamadda saree e Britain.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya