4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 3 , 2016
Xubnaha aqalka sare maamulka Hir-shabeelle oo maalinta Axad ah la soo dooranayo

Khamiis, November, 03, 2016 (HOL) -- Madaxweynaha dowladda gobolleedka Hir-shabeelle Cali C/llaahi Cosoble oo ka soo laabtay safar uu ku tagay dalka Iskutaga Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in maalinta Axad ah todobaadka danbe ay dhici doonto doorashada xubnaha aqalka sare.

Madaxweyne Cosoble, ayaa sheegay in wadda tashiyo iyo kulamo soo socda maalmihii aynu soo dhaafnay kaddib la go'aansaday in maalinta Axad ah la soo doorto 8 xubnood ee aqalka sare ku matalaya maamul gobolleedka Hir-shabeelle.

''Waxaan rajeynayaa in wadda-tashiyada socda soo dhamaadaan ilaa maalinta Sabtida ah, maalinta Axada ahna la qabto doorashada xubnaha aqalka sare'' ayuu yiri madaxweynaha dowlad gobolleedka wali curdunka ee Hir-shabeelle.

Wararka ka imanaya magaalada Jowhar ayaa sheegaya in halkaa ay soo buuxiyeen musharixiin u taagan qabashada xilalka aqalka sare, baarlamaanka iyo ergooyin ka kala tagay magaalooyinka Muqdisho iyo Beledweyne.

Ugu danbeyntii, inkastoo sidda jadwalka doorashadu ahaa loo ballansanaa in 30ka bishan November ugu danbeyntii la soo doorto madaxweynaha, ayaa haddana dhinaca kale waxaa jira  shaki laga qabo dib u dhac mar kale ku iman kara jadwalka doorasho.

C/raxmaan Diiin, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya