4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 3 , 2016
Dagaal Khasaare Nafeed Sababay oo Maanta ka dhacay Degmada Caabud-waaq ee G. Galguduud


Khamiis, November 03, 2016 (HOL) — Ugu yaraan lix qof, ayaa ku dhintay tiro toban qof ka badana way ku dhaawacmeen Dagaal culus oo maleeshiyo beeleed manta ku dhexmaray maanta degmada Caabud-waaq ee Gobolka Galguduud.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalku uu socday muddo saddex saac ah, iyadoo dagaalkan uu ka billowday dil aano qabiil ah oo shalay degmadaas ay kooxo hubeysan ugu geysteen ruux rayid ah.

Sidoo kale, Wax-garadka iyo Culumaa'uddiinka Degmadaas ayaa sheegay in Dagaalku uu hadda qaboobay, isla markaana ay ugu baaqeen dhinacyada inay xabada joojiyaan oo wixii dhibaato ah oo jira lagu dhameeyo wada-hadal.

“Dagaalku hadda wuu is-taagay, muddo saddex saacdood ah ayuuna socday, wuxuuna ahaa dagaal culus, Lix ruux ayaa ku dhintay, Dhaawucuna wuxuu gaarayaa in ka badan 10-qof,” ayuu yiri Goob-jooge ku sugan degmada Caabud-waaq oo la hadlay warbaahinta.

Goob-joogahan, ayaa intaas ku daray in Malleeshiyooyinkii Dagaallamay ay weli isku-hor-fadhiyaan gudaha Degmada, Shacabkii Degmada ku noolaa Qaarkood ayaa guryahooda ka barakacay.

Ugu dambeyn, Maamulka Galmudug oo ay hoos-timaado degmadaan ayaan weli ka hadlin dagaalka maanta ka dhacay, iyadoo tan iyo billowgii Sannadkaan 2016-ka ay ka dhacayeen dagaallo u dhexeeya malleeshiyo beeleedyo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya