4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 3 , 2016
Booliiska Talyaaniga oo lagu eedeeyay inay jir-dil u geystaan Dadka Tahriibka ah ee gala Dalkaas


Khamiis, November 03, 2016 (HOL) — Hay'ada u dooda xuquuqul Aadamiga ee Amnesty International, ayaa sheegtay in Ciidamada Booliiska dalka Talyaaniga ay jir-dil u geystaan muhaajiriinta Tahriibka ku gala dalkooda, isla markaana koronto ay ku qabteen tiro badan oo tahriibayaal ah.

Inkastoo Talyaanigu uusan jawaab deg-deg ah ka bixin eedeynta hay’addan, ayaa haddana Waxaa la sheegay in Tahriibayaashaan ay diideen in laga qaado Faraha. Waxaana illaa iyo billowgii sannadkan galay dalka Talyaaniga 150,000 o qof oo muhaajiriin ah.

Tahriibayaasha la sheegayaa in ay diideen in faraha looga qaado, ayaa ka Cabsi qaba inay qaabilaad ka heli waayaan waddamada kale ee Yurub, kuwaasoo waddanka Talyaaniga ay u sii maraan.

Sidoo kale, Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty ayaa sheegtay, in Tahriibayaal 20 ka badan ay u sheegeen in booliska Talyaaniga ay si xun ula dhaqmeen markii faraha laga qaadayay. Iyadoo hay’adu ay ku baaqday in eedeymahan loo baaro si madax-bannaan.

Talyaaniga ayaa sheegay in booliskeeda loo tababaray inay si xirfadeysan oo taxaddar leh ay ula dhaqmaan muhaajiriinta dalkeeda kasoo galaya Dhinaca badda Mediterranean-ka.

Dhanka kale, Eedeyntan hay’adda Amnesty ayaa kusoo beegmaysa iyadoo la sheegayo in tiro ka badan 239-qof oo tahriibayaal ah la aamisan yahay inay ku dhinteen laba doonyood oo ku dagay meel ka baxsan xeebaha dalka Liibiya, sida ay sheegeen Saraakiil ku Hawlan Arrimaha Muhaajiriinta.

Hay'adda QM ee Arrimaha Qoxootiga Dunida [UNHCR], ayaa waxaa Warkaan u sheegay laba ruux oo ka bad-baaday doonyahaas, kuwaasoo gaaray Jasiiradda Lampedusa ee Dalka Taliyaaniga. Mana jiraan illaa hadda wax meydad ah oo la helay.

Ugu dambeyn, Ururka Caalamiga ah ee Arrimaha Socdaalka ayaa sheegay in 4,200 oo Qof dad ka badan ay ku naf-waayeen badda Mediterranean-ka Sannadkan 2016-ka, iyadoo qaar ka mid ah tahriibayaasha geeriyooday la rumeysan yahay inay ka tageen Galbeedka Afrika.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya