4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 3 , 2016
Sawiro: Madaxweynaha oo warqadaha aqoonsiga ka gudoomay safiirka Midowga Yurub ee Somalia


Khamiis, November 03, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Somalia Xasan Shiikh Maxamuud ayaa maanta Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo ka Guddoomay Danjire Verinoque Lorenzo oo Midowga Yurub u soo magcaabay safiirkooda Soomaaliya.

Xasan Sheekh ayaa warbixin ku aaddan Shaqadeeda cusub ka dhageystay Danjire Lorenza. Isagoo intaas kaddib sheegay in Ururka Midowga Yurub iyo Somalia uu ka dhaxeeyo xiriir wanaagsan, isla markaana uu aqbalay shaqada safiirka cusub ee Ururkaas, gacanna ay ku siin doonaan Hawlaha ay Dalka ka qaban doonto.

Danjiraha Cusub ee Midowga Yurub  ee Somalia, Lorenza ayaa sheegtay inay ka shaqeyn doonto sidii uu u sii jiri lahaa xiriirka Somalia iyo Midowga Yurub isla markaana ay Soomaaliya waxaan ka taageeri doonaan dhinacyo badan, waxaan rajeynayaa inay noqoto mid aan ku guuleysanno.

“Nolosha cusub ee Muqdisho iiga billaabatay maanta waa mid aan ku faraxsanahay, Innaga iyo Soomaaliya waxaa naga dhexeeya xiriir dheer. Madaxweynaha Soomaaliya ayaan soo booqday aad ayuu ii soo dhaweeyay, wuuna aqbalay shaqadyda Soomaaliya, waxaana naga go’an in shacabka Soomaaliyeed aan u adeegno, muddo dheer ayaana taageeraynay,” ayay tiri danjiraha cusub ee Midowga Yurub.

Sidoo kale, waxay intaas ku dartay. “Waxaan aad ugu dadaali doonaa inaan ku Guuleysano shaqada, Somalia nidaamka Dimuraadiyad ah - horay ayay ugu hawlanayd inay Hir-galiso, midaas ayaana u wada istaagi doonnaa.”

Ugu dambeyn, Verinoque Lorenza ayaa badeshay Michel oo muddo Afar Sanno ah joogay  Somalia. Midowga Yurub ayaa qorsheynaya iyo doorashada sannadkan 2016 dhacaysa uu isbedel ku sameeyo taageeradiisa Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya