4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 3 , 2016
Isbaheysiga Ururada Bulshada Rayidka ee ARAGTO-IFISO oo ka digay in musuq-maasuq dhaqaale iyo mid siyaasadeed loo adeegsado doorashooyinka Soomaaliya

Khamiis, Nofember 03, 2016 (HOL)-Guddoomiyaha mashruuca ARAGTO-IFISO ee isbaheysiga ururada bulshada rayidka ah Xassan Shire Sheekh ayaa  walaac xoog leh ka muujinaya dhaq-dhaqaaqyada musuq-maasuqa ee la xiriira ololaha doorashooyinka madaxweynaha iyo xildhibaanada baarlamaanka iyo weliba si qaldan u maamulida hantida daweynaha.

Wuxuu sheegay in maamlmihii ugu dambeeyay ay ARAGTO-IFISO soo gaaray cabashooyin la xiriira doorashooyinka kuwaas oo laga cabsi qabo in loo adeegsado dariiqyo aan habbooneyn, sida gadashada kuraasta iyo codadka inta.

“Xilliyada doorashooyinka waxaa soo bannaaka yimaada musuq-maasuq iyo wax is daba marin xoog leh, waxaana codsaneynaa in doorashooyinku si nadiif ah oo dimoqraadiyad leh ay u dhacaan, musuq-maasuqa iyo tuuganimadu waa caqabad mar kasta hortaagan horumarka iyo wanaagga” ayuu yiri guddoomiyaha ARAGTO-IFISO Xasan Shire Sheekh.

Mudane Xasan Shire ayaa sheegay in musuq-maasuqu uu dhaawacoyo dowladnimada, dimoqraadiyada, xaquuqada aadanaha, ammaanka, iyo nolosha qof kasta oo Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay in musuq-maasuqa ugu weynyahay waxyaabaha ragaadiyay horumarka dalka Soomaaliya, waxaana dadka Soomaaliye ay wal-wal ka qabaan inuu heerkiisu gaaro mid aan wax laga qaban Karin, iyagoo ka xanaaqsan dhaqanka nuucan ah.

Mudane Xasan Shire ayaa sheegay in marka la gaaro codeynta madaxweynaha in xildhibaanadda laga doonayo damiir waddaniyadeed iyo mas’uuliyad ay uga fikiraan mustaqbalka dalka Soomaaliya oo muddo 26-sanadood ah dhibaatooyin iyo colaado ku soo jiray.

“Markii uu xildhibaanku isla helo qalinka iyo warqadda codeynta ha ogaado inuu go’aan ka gaarayo mustaqbalka ummadda Soomaaliyeed oo u baahan madaxweyne noloshooda wax ka badali kara, kartina u leh unuu u furo dariiq ay ku helaan xuquuqdooda aas-aasiga ah sida; caafimaad, nabadgaliyo, waxbarasho, shaqo abuuris, iyo koboc dhaqaale isla markaana dhowri kara xorriyadooda, xuquuqdooda iyo hantidooda” ayuu yiri mudane Xasan Shire.

Wuxuu shirkiisa jaraa’id mudane Xasan shire ku sheegay inay muhiim tahay in xildhibaanaddu ay qiimeeyaan musharraxiinta u taagan xilka madaxtinimada dalka. “Shacabku waxay ku qanacsanyihiin in musharraxiinta lagu qiimeeyo shaqooyinkii ay soo qabteen, sumcadooda, kartidooda iyo diiwaankooda nololeed, si loo kala ogaado qofka wax qabadka leh iyo kan soo fashilmay”

“Waxaan ugu baaqeynaa in laga digtoonaado musuq-maasuq iyo si xun wax u raadinta” ayuu sii raaciyay Xasan Shire oo intaas ku daray “Waa inay ciqaab mutaan dadka ka qeyb gala ceebahaas oo kale, waana in dib loo howl galiyaa guddigii la dagaallanka musuq-maasuqa ee la sameeyay sanadkii 2011”

 “Waa dhibaato in caalamku uu noo arko umad wada tuugo ah oo aan la aamini karin, waana  masuuliyad saaran qof kasta ka damqado, isla markaana uu la dagallamo musuq-maasuqa” ayuu sheegay Xasan Shire.

Ugu dambeyntii wuxuu guddoomiyaha ARAGTO-IFISO Xassan Shire uu ka codsaday madaxda maamul goboleedyada, hoggaamiyaasha dhaqanka, iyo madaxda madasha wadatashiga qaranka ee NLF inay hannaanka doorashooyinka Xildhibaanada ay noqdaan kuwa aan is qab-qabsi laheyn oo lagu dhammeeyo is afgarad, talo wadaag, iyo dimoqraadiyad.

Faarax Blue, Hiiraan Online
[email protected]
Minneapolis, Minnesota