4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 3 , 2016
Ra'iisal wasaare Sharm'arke oo rajo ka muujiyay in doorashada waqtigeeda ku dhacdo

Khamiis, November, 03, 2016 (HOL) -Ra'iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharm'arke oo booqasho ku jooga dalka Jabuuti, ayaa sheegay in rajo wanaagsan ka muujiyay hanaanka doorasho ee dalka.

Ra'iisal wasaare Sharm'arke, ayaa sheegay in wax walba u socdaan siddii loogu tallagalay, islamarkaana uu rajo wanaagsan ka qabo in doorashada waqtigeeda ku dhacdo.

Cumar C/rashiid oo kulan la qaatay madaxweynaha dalka Jabuuti ayaa faah faahin ka siiyay xaalada Soomaaliya, iyo doorashooyinka dhawaan dhici doona, isagoo ka codsaday in Jabuuti gacan ka geysato.

''Jabuuti waxaan ka dalbaney in ay garwadeen ka noqoto doorashooyinka dhowaan dhacaya, maadaama ay Jabuuti buddhige u aheyd dowladnimada Soomaaliya, waxaana uga mahad celineynaa sidda ay mar walba Soomaaliya u bar bar taagan yihiin'' ayuu yiri ra'iisal wasaare Sharm'arke.

Ugu danbeyntii,  ra'iisal wasaaraha ayaa sheegay in todobaadkan magaalooyinka maamul goboleedyada ka bilaaban doonaan doorashooyinka xildhibaanada aqalka hoose, isla markaana la doorto Xildhibaanadii ugu horeeyay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya