4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 3 , 2016
Maxkamad ku taala Sacuudiga oo karbaash iyo xabsi ku xukuntay nin amiir ah

Khamiis, Nofember 03, 2016 (HOL)-Maxkamad kutaala Saudi Arabia ayaa xukun karbaash iyo xarig ah ku riday nin amiir ah oo ka tirsan qoysaska boqortooyada ee dalkaa.

 

Amiirka oo aan wali magaciisa si rasmi ah loo shaacin ayaa lagu helay dambi ah in uu jabiyay sharciga.

 

Xukunka karbaashka ah ayaa la fuliyay 7dii galabnimo ee Insiintii aanu soo dhaafnay. Intii aan la karbaashin ayaa ka hor amiirka lagu sameeyay baaritaan caafimaad oo lagu ogaanayay in uu qabo iyo in kale xanuun ama xanuuno loo isticmaali karay in dib loo dhigo xukunkaas in lagu fuliyo.

 

Horraantii bishii Oktoobar ee lasoo dhaafay ayay ahayd markii xukun dil ah lagu fuliyay amiir da’ yaraa oo ka tirsanaa qoysaska boqortooyada, kaasoo lagu helay fal dil ah oo uu geystay.

 

1975 ayaa markii ugu horeysay amiir lagu fuliyay dil kadib markii uu galay fal dambiyeed uu ku mutay dilkaa ama qisaastaa.

 

Tillaabooyinka lagu ciqaabay xubnaha ku abtirsada qoysaska boqortooyada ayaa waxaa si weyn usoo dhaweeyay shacabka Sacuudiga iyagoo sheegay in taasi ay muujineyso in dhammaan dadku ay u wada siman yihiin sharciga diinta Muqadaska ah ee Islaamka.


Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]