4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 3 , 2016
Maamulada Puntland iyo Galmudug oo midba kan kale ku eedeeyay dagaal shalay ka dhacay Gaalkacyo
.
Khamiis, November, 03, 2016 (HOL) - Mas'uuliyiinta ka tirsan maamul gobolleedyada Galmudug iyo Puntland ayaa midba kan kale ku eedeeyay in ay jabiyeen hishiiskii xabad joojinta labada dhinac ay ku gaareen dalka Iskutaga Imaaraadka Carabta, kaddib dagaal shalay ka dhacay Gaalkacyo.

Dagaalka oo labada dhinac ay isku weydaarsadeen hub culus, ayaan ilaa iyo hadda la ogeyn khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay, hasse ahaatee waxaa uu walwal iyo cabsi kale ku abuuray dadka reer Gaalkacyo oo rajo ka qabay hishiiska ay gaareen labada maamul.

Wasiirka Kaluumeysiga Galmudug Xassan Gureey oo ayaa warbaahinta u sheegay in Galmudug lagu soo duulay oo dagaalkii shalay dhacay ay soo  qaadeen Puntland, taasoo macnaheedu yahay in Puntland ay jabisay hishiiskii la gaaray ayuu yiri wasiirka.

Laakiin dhinaca kale, guddoomiyaha gobolka Mudug ee maamul gobolleedka Puntland Xassan Khaliif ayaa dhinaciisa ku eedeeyay Galmudug in ay weerar ku soo qaadeen ciidammadooda ku sugan jiida hore agagga labada dhinac isku hor fadhiyaan.

Ugu danbeyntii, eedeymahan labada dhinac ay isku jeediyeen iyo dagaalka shalay dhacay ayaa imanaya xili labad maamul ay ku hishiiyeen qodobo ay ka mid ahaayeen in xabada la joojiyo islamarkaana meesha laga saaro adeegsiga hadallada colaada abuuraya ee leysku mariyo warbaahinta.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya